AMIIN IYO UGBAAD QAYBTA 9AAD



Dhanka kale Ugbaad hooyadeed aad ayey ugu faraxday Guurka Ugbaad iyo Amiin, waayo Amiin Hooyadiis iyo Aabahiis waxey u aragtay iney yihiin Dad aad u Wanaagsan, wiilkoodana uu sidooda oo kale u Wanaagsan yahay.

Ugbaad Hooyadeed waxey Arrintii la socod siiday, Sodohdeed oo ah Warsame hooyadiis, waxaana dhex maray:- 

Warda:- Hooyo waan ku Salaamay.

Warsame hooyadiis:- Waan kaa qaaday Warda

Warda:- Hooyo Maanta waxaan kuugu imid in aan kuu sheeg War farxad leh.

Warsame hooyadiis:- Kheyr Alla haka dhigo.

Warda:- Hooyo Gabadhaada Ugbaad ayaa Wiil isa soo Caashaqeen, oo Guur bey ku soo heshiiyeen, sidaas darteed Hooyo Ducada ku soo kaalmee gabadhaada.

Warsame hooyadiis:- Maasha Allaah waa war farxadeed ee Wiilku yuu yahay ?.

Warda:- Wiilka waxaa la yiraahdaa Amiin, oo ay Wax isla baran jireen Ardaynimadooda ilaa maanta ay jaamacadda soo dhameeyeen, Wiilka Waalidkiisana, aad bey u fiican yihiin oo gabadheyda Ugbaadna aad bey u jecel yihiin.

Warsame hooyadiis:- Warba adaa ii heysid oo Wiilku ma kii ay dhashay Bala qabtadii Warsan baa? mise waa Wiil kale.

Warda:- Haa, Hooyadiis Warsan baa la yiraah, waa gabar aad u Wanaagsan.

Warsame hooyadiis:- Naa Balaayo miyaad soo waalatay, sow taan hore kuugu sheegay qofta aad sheegeyso sow Warsantii naga waashay Warsame maaha?, hadana Gabadhiisa miyaad rabtaa iney naga Waasho?, Wallee warkaas kaama yeelin.

Warda:- Hooyo Gabadha wey is jeclaadeen Wiilka, ma iney naga waalato ayaad rabtaa ?.

Warsame hooyadiis:- Intey Balaayadaas wiil ay dhashay guursan lahaa Gabadheyda ha Axsan ha waalato.

Warda:- Hooyo Gabadhaada Qalbigana u fur oo u ducee, waad ogtahay Gabar Nin ay jeceshahay lagama reebi karo, intey Ceeb inoo keeni laheyd aan ugu duceyno Dooqeeda.

Warsame hooyadiis:- Taas lagama yaabo.

Hooyo Warda iyada oo ka Xun ayey ka soo tagtay islaanta Warsame hooyadiis ah, balse hadalkeeda dheg uma dhigin, oo gurigeeda markey timid, ayaa waxey Arrintii u sheegtay gabadheeda Ugbaad, waxeyna is dhaafsadeen ereyadaan:- 

Ugbaad:- Hooyo xilligaan halee ka timid?.

Hooyo Warda:- Waxaan u aaday Ayeeyadaa oo aan is iri Arinta Ugbaad la socodsii.

Ugbaad:- Haye maxey leedahay Ayeeyo?.

Hooyo Warda:- Waan la socodsiiyay Arrinta, balse waxey leedahay Wiilkaas lagu dari maayo, Anigase Runta waan u sheegay oo waxaan ku iri Gabadha iyo Wiilka wey is jeclaadeen, iyaga ayaana is doortay, Wiilka Waalidkiisana ma xuma oo waa dad aad u Wanaagsan.

Ugbaad:- Haye ka dib maxey ku tiri ?.

Hooyo Warda:- Iyadoo diidan ayaan ka soo tagay.

Ugbaad:- Hooyo warkeeda ha maqlin Ayeeyo, Aniga Adiga ayaa Hooyadeey ah, ee Hooyo Adiga ayaan Duco kaa rabaa, oo Ducadaada ayaa wax ii tareyso.

Hooyo Warda:- Hooyo waaba sidaas Aniga waan kuu duceeyay, horey u soco ayaan ku leeyahay, Guurkaaga ayaa farxadeyda ah Dooqaagana kugu diidi maayo, kheyr ilaah hakaaga dhigo.

Ugbaad iney aad ugu faraxday hadalkaas ay ku tiri Hooyadeed, ayaa farxad darteed Hab iney siisay ayey dhudhunkatay.

Dhankii kale iyagana bal maxaa kala qabsaday Warsan iyo Hooyadeed ?, Ali ayaa waxey u wacday Walaasheed Warsan oo ay ku tiri:- 

Warsananeey Hooyo ayaa kuu baahan ee soo wac.

Warsan oo naxsan baa tiri:- Waa yahay ee ka waran Asma, Hooyo Arrintii maxey ka tiri.

Asma:- Wey Qeylisay, hadsana Arrintaas keliya waaye waxa ay rabto iney kaala hadasho.

Warsan:- Wlhi Hooyadey wey dhib jeceshahay, bal anaa hadda soo wacaayo, u sheeg.

Daqiiqado gaaban ka dib Warsan waxey soo wacday Hooyadeed, waxaana dhex maray:- 

Warsan:- Hooyo ii waran see tahay ?

Hooyada:- Ma Warsan baa ?

Warsan:- Haa Hooyo waa Aniga.

Hooyada:- Naayaa Warkaan aad keentay waa maxay, miyaad iloowday tii ay kugu dhigeen Reerkaas aad hadda leedahay Wiilkeyga ayaan u guurinaa gabadhooda.

Warsan:- Gabadha iyo Wiilka wey is jeclaaden, gabadhana ma xuma oo Anagaa naqaan, waa gabar Akhlaaq fiican, sidaas darteed Amiin isagana wuu jecel yahay gabadha, mana ahan Hooyo inaan Wiilka aan Niyadda ka jebino, ee Hooyo Ducada aan ku kaalmeyno.

Hooyada:- Wallee Warsaneey war jiro moog baa tahay, Aniga Reerkaas weligeey Amini maayo, ten nagu dhigeen ayaan weli ka soo kabsan.

Warsan:- Hooyo wixii dhacay wey dhaceen ee hadda tan taagan aan ka wada hadalno, Amiin waa Wiilkaaga hooyo u soo ducee inuu ilaahey kheyr uga dhigo Mustaqbalkiisa, mana fiicna in Aroos Buuq iyo Rabsho lagu kiciyo, Hooyo Wiilkaaga u ducee, Adaa waalid ah.

Hooyada:- Waa tahay waan u duceynaa, laakin Reerku waa Reerkii fiiro gaar haloo yeesho.

Amiin iyo Ugbaad Nasiib wanaag waxey garab iyo taageero ka heystaan Waalidkooda, balse waxa meeshaas dhibka ku haayo waa labada Ayeeyo, oo midba midda kale eegeysa Eeddii ay u geysteen Caruurtoda, Warsan hooyadeed waxaa weli u muuqda Warsame dhibaatadii uu u geystey gabadheeda oo u noqday Nabar aan weligeey ka go'in. Warsame hooyadiisna waxa u muuqda dhibka ilaa iyo maantadan heysta wiilkeeda Warsame, oo uu Warsan jaceylkeeda u waashay, iyaduna ay intaasi ku eeganeysay, una turi weyday.

Balse waa yaabe hadda sidee loo Xallin karaa Arinta halkaan taala ee ah jaceylka u dhexeeya Ugbaad iyo Amiin, ma Ayeeyooyinka dartooda ayaa loo baabi'in karaa Lamaanahan yaraanta isku doortay, ilaa Xilligaana u soo dulqaatay Dhib iyo dheefba.

Waxey Arrintu sidaa ahaataba Ugbaad iyo Amiin go'aankoodii ahaa in xataa haddii ay Waalidkooda isu diidaan, iney Labadooda isla baxsadaan, weli wey ku adkeysanayaan, oo waaba diyaar si kastoy Arrintu noqoto iney noqdaan Lamaane Nolosha wadaaga.

Warsan si kasta oo ay Hooyadeed wax ugu sheegtay, wey ku daashay iney hooyadeed ka Oggolaato Arooska Amiin iyo Ugbaad, ilaa ay ugu dambeyn ay Warsan gaartay go'aan ah: "Intuu Wiilkeyga iga Waalan lahaa, waan u Aroosinaa Ugbaad".

Ugbaad hooyadeed iyadana sidoo kale waayo si walba oo ay u qanciso Soddohdeeda, wey ku kari weysay iney Aqbasho Guurka Ugbaad iyo Amiin, Maamo Warda iyada ugu dambeyn waxey qaadatay go'aankii Warsan oo kale ee ahaa "Intey Gabadheyda u waalan laheyd sida Aabaheed, waa inaan teeda u tixgeliyaa".

Haddaba, Labadii Reer ee Amiin iyo Ugbaad, waxey wada qaateen go'aan isku mid ah, taas oo ah iney Caruurtooda ay isu guuriyaan oo ay ka talo baxaan Labada Ayeeyo dhibka ay ku wadaan Lamaanaha Reerkan Cusub.

Warsan go'aankeeda waxey ku war gelisay Walaasheeda Asma, iyagoo taleefan ku wada hadlaayana, waxaa dhex maray hadaladaan:- 

Warsan:- Asma ii waran, see tihiin ?

Asma:- Nabad iyo kheyr Abaayo, idinkana see tihiin ?

Warsan:- Sidoo kale waan fiicanahay, ee waxa aan kuu sheegi lahaa Xalay Aniga iyo Xaajiga ayaan wada tashanay, waxaana go'aan ku gaarnay inaan Amiin iyo Ugbaad isku guurino, oo aan Hooyo warkeeda iska dhaafno, waayo Amiin aad syuu u jecel yahay Gabadhaas, sidaas darteed waxaan u baqnay haddii aan hadalka hooyo qaadano inuu Wiilka dhib ku yimaado ama uu naga Waasho.

Asma:- Waa wax fiican, Anigaba sidaas ayaan rabay inaan ku dhaho, maxaa yeelay Hooyo wax la soo dhaafay ayey dib u gocaneysaa, balse hadda Warsaneey fikirkaaga Anigana waan kugu raacsanahay, sidaas sameeya.

Dhanka kalena Warda, waxey u yeertay oo ay Arrinta la socodsiisay Ugbaad Adeerkeed Axmed, iyagana waxaa dhex maray:- 

Warda:- Axmed ii waran Dumaashi.

Axmed:- Waan Wacanahay Dumaashi.

Warda:- Dumaashi waxaan rabay inaan kuu sheego Arrin beryahaan Reerkeena ku soo korortay, taasoo ah in Gabadhaada Ugbaad la soo doonan rabo, sidaas darteed aan Hooyo u sheegay, balse ay igu gacan seertay, sidaas darteed Dumaashiyoow waad garan kartaa Caruurta Xilligaan jooga, iney wax walba ka suuroobaan, taas awgeed waxaan rabaa inaad Hooyo wax fahansiisid, oo aan ku dadaalno sidii aan Gsbadhaada Ugbaad ugu garab siin laheyn Ariintaas.

Axmed:- Waan la socdaa Hooyo warkeeda, oo wey ii sheegtay Aniga ayaaba hortaada ku iri Hooyo Gabadha haddeey Ninku jeceshahay aan u Guurino, balse weli waan ku karo la'ahay waanse ku dadaaleynaa, haddii la huri waayo waan u Guurineynaa Wiilkey soo dooratay Gabadha.

Haddaba, Labadii Hooyo waxey wada qaateen Labadaas go' aan ee ah iney Caruurtooda isku guuriyaan, ayna garab ku siiyaan Guurkooda, maxaase dhici doona aan aragno, Insha Allah. 

( La soco Qeybta Xigta).

Post a Comment

0 Comments