QOYSKA GUULAYSTAY WAA KEE ?.

Waxaa Guuleystay Labadii si Dhab ah isku jecel, iskuna doortay Alle dartiisa, iskuna Faraxsan horayna uga socda Noloshooda.

Waxaa Guuleystay Labadii is Xasuusiya Xuska Alle, Diinta wada barta, Quraanka Aqriya, eanaaga is fara, Xumahana iska reeba, iskuna Duceeya.

Waxaa Guuleystay Labada goortii ay Doodayaan aan marnaba kor u wada Qeylin, isna oran erayo Qalbi-jab ah.

Waxaa Guuleystay Labadii aan jaceylkooda Baraha Bulshada ku soo Bandhigin, balse iyaga Dhexdooda isku muujiya.

Waxaa Guuleystay Labadii ka Fekera Barbaarinta Ubadkooda, Qowl iyo Ficil wax ku bara, una noqda Tusaale fiican oo ay ku daydaan.

Waxaa Guuleystay Labadii is Daryeela, isku Daacad ahaada, si Naxariis leh u guta Waajibaadkooda, Dhowrana Xaqa ay isku leeyihiin.

Waxaa Guuleystay Labadii Garowsada in Maalintey is Guursadeen ka gudbeen Baashaal iyo Waqti Dhumis bilaa macna ah, kuna Mashquula Hagaajinta Hoygooda iyo Horumarinta Naftooda.

Waxaa Guuleystay Labadii garta in Gurigoodu ka dhigan yahay Qasri weyn oo ay ku soo Hirtaan Mowjadolaha Jacaylka oo wata Farxad iyo Kalsooni kasoo Burqaneysa Kanaalada Qalbigooda.

Abdulkadir Uukow 

Post a Comment

3 Comments

  1. Waxaa Guuleystay Labadii is Xasuusiya Xuska Alle🥰❤✌

    ReplyDelete
  2. Qormo xiiso Badan mahadsanidiin Bahda uukow media

    ReplyDelete