AMIIN IYO UGBAAD QAYBTA 8AAD

Intaa ka dib Warsame hooyadiis waxey si dhab u dareentay in Ugbaad ay hooyadeed raali uga tahay Ficilada Guracan oo ay sameyneeso, waxaase Xaqiiq ah iney Ugbaad ilaalineyso Ballantii iyo Axdigii ay gacaliyeheeda wada galeen, wax kastoo dhacana aysan uga baxeynin Ballanta dhex taala iyada iyo Amiin. 

Warsan iyadu sidii Maalinkii ay u maqashay in Xaajigaadu ay Casuuntay Ugbaad hooyadeeda Warda, waxey yeelatay Feejignaan dheeri ah, waayo waxey mar kasta xusuusataa, dhibtii ay hore ugu geysteen Warsame iyo Weris, balse maanta waayo arag ayey noqotay oo Cadkeeda Dhacsaneysa, waxey Aminsan tahay in Rag si kasta uu u wanaagsan yahay, aan leysku Amini kari, Dumarna si kasta oo aad Walaal uga dhigato aan Gurigaada lagu Amini karin.

Warsan sideedaba aad bey uga heshay Amiin iyo Ugbaad wada socodkooda, Raali ayeyna uga tahay inuu Wiilkeeda guursado Ugbaad, waayo waxey aad uga heshay Dabeecadda Ugbaad iyo Furfurnaanteeda.

Dhinaca kalena Warda oo ah hooyada Ugbaad, iyadana aad ayey ula dhacday Reerka Amiin iyo sida ay gabadheeda u Xanaaneeyaan, maadaama ay gabadheedu aysan weli helin Aabe Nolosheeda wax tari kara, oo uu yahay Aabe xanuunsan, sidaasi darteed aad ayey ugu duceysaa Reerkaas sida aadka ah wax u tara gabadheeda.

Halkaas waxaan laga garan karaa in Labada Reer ee Amiin iyo Ugbaad ay aad ugu faraxsan yihiin Wada socodka Caruurtooda, balse ay Baladu ka taagan tahay Labada Ayeeyo, oo weli u muuqata ficiladii hore ay ku kala tageen Warsan iyo Warsame.

Waxey Arrintu sidaa ahaataba Amiin iyo Ugbaad waxaa u soo dhamaatay Jaamacadii, 
Amiin wuxuu bilaabay inuu Xil isa saaro oo uu raadiyo Shaqo, Dhowr Hey'adood iyo dhowr Shirkad ayuu Codsiyo kala duwan u kala qortay ugu dambeyntiina wuxuu ku guuleystay oo uu helay Company, Ugbaad iyadana Shirkad ayey Shaqo ka bilowday oo markaan waxey noqdeen kuwo Meel ka soo baxay oo Nolosheeda Maareyn kara.

Muddo ka dib Amiin iyo Ugbaad waxey wada qaateen fadhi u gaar ah labadooda oo ay ku falanqeynayaan Mustaqbalkooda, maadaama ay u rumowday Hammigii ay lahaayeen, wada Tashiba ka dib waxey go'aan ku gaareen iney is guursadaan oo ay Nolol wadaagaan, waxaa la go'aamiyay qof kasta inuu Arrintaasi uu la socodsiiyo Waalidka.

Amiin isagu waa Reer Hooyo, yacni wax kasta oo Sir u ah, ugu horeyn wuxuu kala tashadaa Hooyadiis, haddaba maanta markuu guriga yimid ee uu Cabaad nastay ee oo Qadeeyay ayuu si Deggen u abaaray Qolka oo Hooyadiis keliya jiiftay, kolkaas ayuu ku yiri:- 

Amiin:- Hooyo see tahay ?

Hooyo Warsan:- Nabad hooyo waa fiicanahay, ma soo qadeysay Hooyo ?

Amiin:- Haa hooyo waan soo qadeeyay ee waxaan rabay inaan war kuu sheego maanta.

Hooyo Warsan:- Ii sheeg hooyo, maxaa daran ?

Amiin:- Maya hooyo dhib ma jiro ee waxaan kuu sheegi lagaa Aniga iyo Ugbaad ayaan soo sheekeesanay, waxaana soo go'aansanay in aan is guursano, qof walbana uu Arrinta la soo socodsiiyo Waalidka, sidaas darteed hooyo sidee u aragtaa Arrintaas ?.

Hooyo Warsan:- Maasha Allaah, Hooyo waa wax fiican, waana ku faraxsanahay, Ugbaadna waa Gabar Wanaagsan, ee iyada Hooyadeed ma u soo sheegtay ?

Amiin:- Hadda ayey u soo sheegeysaa, sidaas ayaan ku soo wada Balannay.

Hooyo Warsan:- Hooyo Kheyr ilaah hska dhigo Insha Allaah. Iyada ayaan ka Warsugeynaa.

Amiin:- Waa yahay Hooyo, Insha Allaah kheyr ayry noqoneysaa.

Intaas ka dib Amiin isagoo faraxsan ayuu la soo baxay Qolkii Hoouo ku jirtay, wuxuuna u sii gudbay Qolkiisa.

Dhanka kale Ugbaad iyadana durba waxey go'aankii dhex maray iyada iyo Amiin la socod siisay Hooyadeeda Warda, waxaana dhex maray Dooddaan:- 

Ugbaad:- Hooyo Maanta waxaan rabaa inaan Arrin kuu sheego, Adigana aad iga Aqbashid.

Hooyo Warda:- Hooyo Khayr Alla haka dhigee bal ii sheeg.

Ugbaad:- Hooyo waxaa jirto Aniga iyo Amiin inuu Xiriir inaga dhexeeyay, isla markaana aan hadda xiriirkii aan soo gabagabeyna oo aan soo gaarnay Miro dhalkiisa, oo waxaan soo gaarnay go'aankii ugu dambeeyay ee ah inaan Guursano, sidaasi darteed Hooyo Macaan waxaan jeclahay inaan iigu Duceysid Arintaas.

Hooyo Warda:- Ma xuna Hooyo, run ahaantiina waa wax fiican, Guurka waaye waxa ay gabar walba u joogto, balse Adiga maku kalsoon tahay Wiilkaasi inuusan Wax dhib ah kaaga imaan doonin ?.

Ugbaad:- Haa Hooyo, xataa isaga iska daayee Waalidkiisa ayaa isku keen Og, kuna faraxsan Miro dhalka Xiriirkeena, Adigaba waad aragtay sida ay Reerkiisa ii jecel yihiin oy iiga dhigteen Gabadhooda, Run ahaantiina Aniga waan ku faraxsanahay, waana ku kalsoonahay ineysan wax dhib ah uusan iiga imaan doonin Amiin iyo Reerkiisa.  

Hooyo Warda:- Hooyo haddey Arrintu sidaas tahay Waxba kama qabo, waana kaa aqbalay, ilaaheey kheyr dhexdiiba ha dhigo.

Ugbaad oo ku faraxday hadalkaas ayaa isla markiiba intey kor u booday, farxad awgeed Madaxa ka dhunkatay Hooyadeed.

Maalinkii xigay waxaa wada kulmay Ugbaad iyo Amiin, oo iska Xaal wareysteen qof kasta wuxuu Reerkiisa kala soo kolmay, Markey u soo bandhigeen Arrintii, wareysigoodana wuxuu u dhacay sidan:- 

Ugbaad:- Haye Gacaliye see tahay.

Amiin:- Waan fiicanahay Gacaliso.

Ugbaad:- Haye iiga waran Arrintii Reerka ma u sheegtay ?

Amiin:- Haa waan u sheegay Reerka, Aad ayey ugu farxeen weyna iga Aqbaleen.

Ugbaad:- Maasha Allaah, Anigana sidoo kale Hooyo waan u sheegay, wey ku faraxday aad iyo aad, weyna iga Aqbashay.

Amiin ayaa yiri:- Waa ilaah Mahadiis, ee hadda xaggeen wax ka bilownaa ileen Reerka waan u sheegnay Arrinteena, weyna naga Aqbaleen, marka hadda waxa la sugaayo waa Labadena iyo Qorshaha aan ula hortegi laheyn Waalidka.

Ugbaad:- Bal Adigaa Raggii ahee Gacaliye, talo keen aan ku dhaqaaqno.

Amiin:- Sidee kula tahay haddaan Bisha soo socota ka dhigano Arooskeena ?.

Ugbaad:- Waa Arrin fiican, waxba kama qabo.

Amiin:- Waa tahay sidaas ayaa noo balan ah.  

Ugbaad:- Waa tahay Gacaliye.

Hooyo Warsan waxey Welwel weyn ka qabtaa Hooyadeed in haddii ay Arrintaan u sheegto ay ku gacan seyrto, waayo Hooyadeed ifka waxey u neceb tahay Reerka Warsame.

Warsan wey fekertay oo waxey go'aan ku gaartay, iney si hoos ah Arrinta kagala tashato Walaasheed Asma, ayna uga wada Xaajodaan sidey Arrintaan Hooyo ugu sheegi lahaayeen:-

Warsan:- Asc, Asma ii waran.

Asma:- Nabad iyo Kheyr Warsan.

Warsan:- Asma Walaaleey waxaa jirto Arrin aan rabo inaan ka wada tashano Aniga iyo Adiga sidaas wax yeeli laheyn.

Asma:- Arrinta maxey tahay ?

Warsan:- Wiilkeyga Amiin ayaa wuxuu iila yimid Arrin, taasoo ah iney isaga iyo gabadhii ay wada socdeen ay soo Heshiiyeen, ayna rabaan iney is Guursadaan, sidaas darteen waad Ogtahay iney Hooyo Reerkaasi aysan Ogolaan doonin, bal talo keen sidee baan wax yeelnaa ?

Asma oo Naxday ayaa Warsan ku tiri:- Wallee waa arrin dhib badan, Hooyo iyo Reerkaas leysma tusi karo waan Ogahay, laakin waxaa la dhahaa ilmaha iyaga ayaa is doortay, mana Wanaagsana in Niyadda laga jebiyo ee Hooyo iyagaa is doortaye, Anaga maadaama aan Waalidkii nahay waxey nooga baahan yihiin oo keliya waa Ducada, sidaa darteed Ducada aan ku kaalmeyno.

Warsan baa tiri:- Waa tahay ee Asma marka hore Adiga si tartiib ugu sheeg, waxey dhahdo iila soo socodsii, waan isla Arkeynaa markaas.

Asma:- Anaa hadda u sheegaayo, Insha Allaah kheyr ayey ku dhamaaneysaa. 

Warsan:- Waa tahay OK, ila soo socodsii waxa aad kala kulantid.

Asma:- Insha Allaah.

Warsan markey taleefanka dhigtay, isla markii Asma waxey u aaday Hooyadeed oo ku jirta Qolka fadhiga, Salaan ka dib, maxaa dhex maray:- 

Asma:- Hooyo see tahay.

Hooyo:- Nabad Asma.

Asma:- Hooyo waxaan rabaa inaan Arrin kheyr ah kuu sheego.

Hooyo:- Haye Hooyo ii sheeg Arrinta maxey tahay ?.

Asma:- Hooyo Warsan Wiilkeeda Amiin ayaa Aroosi rabo, waxaa lagaa rabaa inaad Wiilkaaga u duceysid inuu Guurkiisa ilaaheey uu Kheyr uga dhigo.

Hooyo:- Guur waa wax fiicane, ee yey tahay gabadha ?, 

Asma:- Waa Gabar ay mudfo wada socdeen, oo Jaamacad isla dhiganaayeen, haddana ku heshiiyay Guur, ee Ducada ku kaalmee.

Hooyo:- Horta Gabadha ma tii baa mise tu kale ?

Asma:- Hooyo waa iyada laakin Gabadha iyada wax nagama sameyn, waxeyna taagan tahay Amiin waan jeclahay, xataa haddii ay dhacdo in Reerkeygu ii diidaan, waan uga soo Go'aa, oo Reerkeyga ma hor istaagi karaan Mustaqbalkeyga.

Hooyo:- Wallee war baad heysiin, gabadha hadeey iyada Wanaagsan tahay Reer ku xiriira ma,aragtaan miyaa ?

Asma:- Aabaheed wuuba waalan yahay oo wax kalama Oga, hooyadeedna Raali bey ka tahay oo Amiin wey taqaanaa, raalina wey uga tahay inuu Amiin guursado.

Hooyo:- Horta taas ha ii dambeysee, Warsan ii wac, ama ha i soo wacdo, iyadaan rabaaye, War moog baa tihiin idinka.

Asma:- Haye Hooyo anaa u sheegaa Wsrsan.

(La soco Qeybta Xigta).

Post a Comment

0 Comments