Hooyo waxaan soo arkay Ayeeyo iyo habaryar Asma iyo Naag kale oo Meel halkaas taagan, waan Salaamay, ka dib ayaan Ugbaad Baska soo saaray.
Hooyo Warsan:- Hooyo Intee ku soo aragtay?.
Amiin:- Suuqa ayey joogen Dukaamada agtood Alaab badan ayey wateen oo Suuqa ka soo iibsadeen.
Intaas ka dib Warsan waxey u wacday Asma oo ay rabtay iney ka xaal wareysato Adeegii ay maanta Suuqda u aadeen iyada iyo Hooyaded. Si dhaqsi ah ayey u wacday walaasheed Asma, waxaana dhex maray Sheekadaan:-
Warsan:- Hello, Asma ii waran see tihiin ?
Asma:- Waan fiicanahay Warsan.
Warsan:- Warka i sii hee Maanta Suuqa ayaad aadeen Adiga iyo Hooyo, maxaad raadiseen ?
Asma:- Haa, waa Run Suuqa waan aadnay, ma Amiin baa kuu sheegay ?.
Warsan:- Haa isagaa ii sheegay,
Asma:- Waa Run Amiin iyo gabar oo la socda ayaan isku Aragnay Suuqa.
Warsan:- Haa waa Run waa gabar Maskiin ah oo ay Galab kasta gurigeena wax ku bartaan, Ugbaad ayaa la yiraahdaa.
Asma:- Gabadha Aqoon ma u leedihiin idinka ?
Warsan:- Maya, Aqoon uma lihin laakin Amiin ayey iskuulka iska dhigtaan Waa gabar yar oo aad u Wanaagsan, xataa Xaajigeyga Wahbi wuu jecel yahay gabadha, waa gabar Akhlaaq wacan.
Asma:- Xalay gabadhaas darteed Aniga hooyo tan na kala raacday, haddaad ogaan laheyd ma hadli laheyn.
Warsan:- Maxaa dhacay Asma ii waran bal ?.
Asma:- Aniga, Hooyo iyo Islaan kale oo Hooyo saaxiibo yihiin oo meel taagan, ayaa waxaa meesha soo mareen Amin iyo Gabadhaas, ka dib ayuu Amiin na Salaamay, ka dib isaga iyo gabadhii wey baxeen. Intaas ka dib Islaantii ayaa Hooyo ku tiri:- Wiilkaas sow Gabadhaada Warsanma dhalin ?, Hooyo Haa ayey ku tiri, ka dib ayey tiri Gabadha la socdo Aqoon miyaad u leedihiin. Hooyo waxey tiri Maya. Islaantii ayaa waxey la soo booday Reerkaas dhowaan ayey soo guureen oo Turki bey ka soo guureen, waana Deriskeyga Waa Reerkii uu ka dhashay Wiilkii Warsan xumeyn jiray ee Warsame ahaa Reerkiisa, Warsame wuu waashay, gabadhaan isaga ayaa dhalay, waxaana u dhashay Gabar ilmo Adeer ay yihiin oo Warda la yiraahdo.
Warsan baa tiri:- Haye ii wad sheekada.
Asma ayaa waxey intaasi raacisay:- Sheekada aan kuu wadee In yar ka dib islaantii markey baxday, oo ay Hooyo warkaas maqashay ayey igu tiri Asma ma maqleysay Amiin gabadha la socotay waa ina Warsame, Guriga Warsan ayeyna wax ku barataa maalin kasta, Asmaay Warsan la hadal Caawa Gabadhaas guriga ha ka bixiso oo mar dambe yeysan u imaan. Ka dib Aniga waxaan ku iri Hooyo waa ilmo yar iska daa, Amiin ayey wax isla bartaan, waa caruur Niyadda haka jebinin.
Asmaa waxey raacisay:- Warsaneey markaan hooyo intaas aan ku iri Ayey Xanaaq Cirkaa gashay, oo waxey igu tiri: Waan idiin aqaan Aniga Warkeyga maqli meysaan, ee Warsan anaa wacaayo oo dhahaayo gabadhaas yey guriga idiin imaan iska soo Erya, hadeey iga diidana Aniga iyo iyada isma sheegano. Ee Warsaneey Dacwadaas ayaa kuu soo socotee u Diyaar garoow.
Warsan oo yaaban ayaa tiri:- Gabadhaas waa gabar Wanaagsan, mana dhihi karno Bax, oo Amiin xataa wuu jecel yahay, Walaal ayuu ka dhigtaa, haddaan ka burino Wiilkeyga wuu iga Niyad jabaa, teeda kale Amiin Aabihiisa Wahbi xataa Gabadhaan aad ayuu jecel yahay oo gabar uu saga dhalay Camal ayuu ka dhigtay, Hooyo anaa u sheegaayo iska daa, anaa Qancinaayo Hooyo igu haleey Asma.
Intey Asma telka ku hadleysay ayaa waxaa qolka ka soo baxday Hooyadeed, oo ku tiri: Asmaay yaadbla hadleysaa ?.
Asma waxey tiri:- Warsan waaye.
Hooyada:- Ii dhiib anaa la hadlaayo.
Hooyadii ayaa loo dhiibay, kolkaas ayaa waxa ay ku tiri gabadheeda Warsan:-
Hooyada:- Naa Warsan naxay tahey gabadha la sheegaayo ee guriga kuu timaada ?
Warsan:- Hooyo waa gabar yar oo Amiin Wax isla bartaan, isku iskuulna wey dhigtaan.
Hooyada:- Naa ma taqaan gabar waxey tahay?
Warsan:- Maya hooyo waa Gabar Maskiin ah oo aad u Wanaagsan.
Hooyada:- Wanaagsantaada garan meynee, horta ma Ogtahay iney ka dhalatay Reerkii balaayada qabay, uuna dhalay Habaar qabihii Warsame.
Warsan:- Haa waan maqlay taas Hooyo, laakin Gabar maskiin ah Ninkaas dartiisa looma xumeen karo, oo hadda isagaaba jiran oo aan waxba tarin, tan kale Gabadha waa gabar aad u Akhlaaq fiican Wiilkeyga Amiin iyo Aabihiisa wey jecel yihiin, haddaan eryo Wiilkeyga ayaa Niyadda ka jabaayo, sidaas darteed Hooyo waa ilmo yar ma xumeyn karno.
Hooyada:- Oo ma Adigii baa sidaas leedahay Warsaneey, waad ilowday sow maaha wixii uu ku yeelay Ninkaas ?, waan arki doonaa wixii kugu dhaca, hadalkeyga waa diiday sow maaha, beri baan ku sugaa Adigoo Ooynaaya.
Intaas ka dib, Hooyada xanaaq dartiis ayey demisay telkii oo dhan.
Warsan aad ayey ula yaabtay hadalkii ay ku tiri Hooyadeed, ilmo yar oo aan waxba galabsan in guriga laga eryo Warsan waxey la noqotay Ceeb iyo Sharaf xumo, weyna ku gacan ku gacan seyrtay Hooyadeed.
Warsan waxey ogeyd in Wiilkeeda Amiin ay Wehwl u tahay Ugbaad, ayna is Walaalsadaan, Ugbaadna aysan gutiga ka aheyn Marti, isla markaasna ay Warsan iyo Ninkeeda Wahbiba ay ugula dhaqmaan Ugbaad Gabadhooda oo kale, weliba ay aad u jecel yihiin Ugbaad, ayna ku jeclaadeen Akhlaaqda, Xishoodka iyo hadal gaabnida, aad ayeyna uga heleen Ugbaad dabeecadeeda.
Dhinaca kale Ugbaad Hooyadeed waxey la yaabtay Hadiyadaha gabadheeda la soo siiyo oo ay guriga la timaado, waa hadiyado Qaali ah oo aan Dadka qaarkiis laga heleynin, dhowr jeer ayey weydiisay Gabadheeda, halka ay maalin kasta wax ku soo barato iyo Hadiyada halka ay ka keento, waxeyna ugu jawaabtay:-
Hooyo Warda:- Ugbaadeey hooyo Galab kasta waad baxdaa, ma gabdho Saaxiibadaada ah bayaad wax isla barataan ?.
Ugbaad:- Maya hooyo, ee Wiil Amiin la dhaho ayaan wax isla baranaa oo gurigooda ayaan ku soo bartaa.
Hooyo Warda:- Hooyo Amiinka yaa dhalay ?
Ugbaad:- Hooyo Aabihiis waxaa la yiraahdaa Wahbi, hooyadiina magaceeda weli na weydiin waa Reer aad u fiican oo aniga aad bey ii jecel yihiin, oo Aabihiis waa midka inoo keena mar kasta Hadiyadaha aan kuu keeno Hooyo.
Hooyo Warda:- Alla Hooyo Reerka Hadiyadaha kuu keeno hadeey yihiin, waa Reer Wanaagsan oo Aabihiis miyaa idiin keena ?
Ugbaad:- Haa Hooyo Aabihiisa ayaa mar kasta inoo keeno Aniga iyo Wiilkiisa Amiin.
Hooyo Warda:- Alla waa Aabbe Wanaagsan ee Hooyo mar anigana ayaan Casuumaa, bal mar guriga noo keen waa Oday Wax garad ah.
Ugbaad:- Insha Allaah, Hooyo maalinta aad ka dhigeyso Casumaada ii sheeg, isagana aniga ayaanla socodsiinaa.
Hooyo Warda:- Waa tahay Hooyo Anaa kuula soo socodsiinaayo Insha Allaah.
Wallee waa Cajiib waan arki doonaa waxa ka dambeeya Casumaaddaasi.
Wuxuu Waqtigu is guroba Amiin iyo Ugbaad Dugsiga dhexe ayey soo dhameeyeen, waxey bilaabeen Fasalka Koowaad ee Dugsiga Sare, Saaxiibtinimadooda well waa halkeedii oo wax skara beddelin, weliba Ardayda oo dhan ayaa la yaaban Amiin iyo Ugbaad sidey isugu xiran yihiin, Ardayda intooda badanna waxeyba ku xantaan iney Saaxiibo jaceyl wadaag ah yihiin.
Haddaba, iyadoo ay sidaas Arrintu tahay ayaa waxaa Fasalka la dhigta Gabar iyo Wiil oo ah Saaxiib ka dhaxeeya jaceyl, fasalka dhamina laga wada Ogsoon yahay Xiriirkooda jaceyl, waa Labo aan Ardayda xataa kala gamban jaceylkooda, kuna muujiya fasalka dhexdiisa dhammaan Ardayda intey la yaabaan ayey ku yiraahdaan Hebel iyo Heblaayo Walaalayaal naga xushooda ma wacna waxaad horteena ku sameeneysaan, waa Akhlaaq xumo, balse iyagu warka Ardayda dheg jalaq uma siiyaan.
Haddaba, Waa Xilli Subaxnimo Ugbaad iyo Amiin waxey joogaan Iskuulka, waxey wada fariistaan isku Kursi, iyagoo fadhiya ayey waxa fasalka soo galay Wiilkii iyo gabadhii is jeclaa iyagoo dhexda iska heysta, kolkaas ayey iyada oo la kaftameysa Amiin ku tiri:-
Ugbaad:- Amiin ka waran haddaan Aniga iyo Adigana sidaan sameyno ?
Amiin:- Kuwaan wey waalan yihiin, xataa hadii leys jeclaanaayo, waxaa loo baahan yahay in si Nadaam ah leyskula socdo oo aysan dadku idiin dhibsaneynin.
Ugbaad:- Amiinoow ma Ceeb baa haddii ay jaceylkooda muujiyaan ?
Amiin:- Ceeb maaha oo waa loo baahan yahay in jaceylkaaga lagu faano, balse ma ahan in Akhlaaqda laga tago.
Ugbaad:- Maasha Allaah, taasi waa runtaada, wax kasta Akhlaaqda ayaa ka weyn.
Ugbaad weydiimahaasi iyo qaar kaloo badan ayey weydiisay, waxey u weydiineysay iney ku miisaanto Amiin ra'yigiisa, maadaama iyada nafsad ahaan uu beryahaan soo weeraray Cishqi kaga yimid dhanka Amiin, waxeyna raadineysaa habkii ay ku dareensiin laheyd jaceylkeeda Amiin, balse weli ma dareensana isaga, waayo qalbigiisa weli ma dhadhamin Badweynta jaceylka.
Ugbaad iyadu waa Gabar aad u Aqlaaq badan, in kastoo uu soo weeraray jaceylka Amiin, haddana ma jecla in ay si xad gudub ahaan u dareensiiyo Amiin, mar kasta waxey raadisaa iney habeysan ay qalbgiisa ugu beeri laheyd, una dareensiin laheyd jaceylka ay Amiin u qaaday, maadaama ay ahaayeen Laba Ruux oo Walaaltinimo isku bartay, haddana waxa ay iska ilaalineysaa iney si fududaato Arrimahaan Cusub ee Nafteeda ku soo biiray.
(La soco Qeybta Xigta).

0 Comments