Daqiiqado ka dib waxaa goobta soo galay Mataanihii is calmaday Arooska iyo Aroosada oo la gelbinaayo, sacab iyo soo dhaweyn diiran ka dib, waxey fariisteen goobtii loogu tala galay inuu fadhigoodu noqdo.
Intaas ka dib waxaa bilowday Farxaddii iyo Fantasiyahii loogu tala galay Xaflada Arooska, waxaa meesha ka socday Heeso iyo Ducooyin loogu tala galay Arooska iyo Aroosadda oo si wacan loo soo habeeyay, xiisaha loo qabay Xafladdaasi xataa waxaa Goobta ka wada ciyaaray Arooska iyo Aroosadda, iyo Labada Ayeeyo, Warsan iyo Seygeed, Warsame iyo Warda iyo Hooyo Asma oo habeenkaasi laga dareemaayay iney goobta ay si firfircooni ah uga muuqatay, isla markaasina ay Dadka oo dhami u arkayeen iney Gabadha Aroosadda ay iyadu dhashay, waayo Hooyadii gabadha dhashay ee Warsan waxaa meesha kaga Xarakaad ama dhaqdhaqaaq badnaa Asma oo habeenkaasi aan fariisan daqiiqad qura.
Marwa waxey si wacan u eegeysay Dadka ka ciyaaraayay Goobta, waxey arkeysay dadku iney wada faraxsan yihiin, waxey arkeysay in aan goobta loo kala harin Caawa Arooskeeda, xataa waxey arkeysay in Aabadeeda uu ka muuqdo Caawa Farxadda Arooskeeda, aad ayeyna ugu faraxsaneyd iney Caawa ay wada joogaan Xafladeeda Aabe Warsane iyo Hooyo Warsan oo Marwa looga sheekeeyay wixii hore dhexdooda soo maray iyo sababihii ay ku kala tageen.
Marwa wey la socotaa oo wey maqashay inuu Aabaheed Warsame Qaladka uu isaga lahaa, isla markaasna uu hadda Xanuunka haayo uu yahay jaceyl uu u qabo Hooyadeed Warsan, ka dib markuu Qaladkiisa uu gadaal ka fahmay, markuu u soo laabtay ee uu ka raali geliyayna ay iyadu ku gacan seyrtay. Marwa intaas ay socotay Xafladda waxey ku Mashquulsaneyd sidii ay Caawa uga faa'ideysan laheyd iney wada heshiisiso Hooyadeed Warsan iyo Aabe Warsame, waxeyna si hoos ah ugala tashatay Seygeeda Marwaan oo dhinac fadhiya, isagana wuu ku dhiira geliyay oo uu ku yiri waa fikrad aad u fiican taasi, maadaama ay hadda Warsan tahay Nin kale Marwadiisa, balse waxa ay Marwa raadineyso waa keliya iney is Cafiyaan oo Caloosha isku furaan Hooyadeed iyo Aabaheed.
Farxaddu kolkeey socotay ee la soo gaaray Xilligii Gabagabada, ayaa waxaa istaagtay Aroosadda Marwa oo ay Codsatay iney hadal yar ay meesha ka tiraahdo, waxaa loo soo dhiibay Microofanka, oo waxey hadalkeeda ku bilowday, sida tan:-
Caawa waxaa farxad weyn ii ah inaad igala soo qeyb gasheen Xaaladda Arooskeyga, waadna ku Mahadsan tihiin 100%, gaar ahaan Waalidiinteyda oo aan midka ka maqneen oo Caawa meesha iiga wada muuqday, waxaan kaloo aad ugu faraxsanay inaan Goob qura ku wada arko iyagoo ila jooga Hooyadey Macaan Warsan iyo Aabe Warsame, waan la socdaa wax kastoo dhacay, keliya waxaan Hooyo iyo Aabe idinka codsanaa inaad Cafisaan Caawa oo aad Caloosha isku furtaan, si aan Anigana Caawa u seexdo farxadeyda oo labajibaaran.
Waan Ogahay in hooyo iyo Aabe ay hadda Laba Reer kala yihiin, waana ku faraxsanahay arrintaasi, waayo waxaan helay Walaalo garabkeyga ah, balse waxa keliya Qalbigeyga u Daawo ah waa Hooyo iyo Aabe oo is Cafiya, oo wixii hore u dhacayna iska ilooba, isla markaasna ay noqdaan kuwo isku Caloosha isku fura.
Intaas ka dib waxaa soo wada kacay Labadii hooyo ee kala dhalay Warsame iyo Warsan, isla markiiba Gacanta ayey ka soo wada qabteen Caruurtooda Warsan iyo Warsame, isla Goobtii Xafladda ka socotay ayaana lagu wada Heshiisiyay, waxeyna gabadhooda Marwa kagala qeyb galeen Sawiradii Arooska, habaankaasina waxaa la,wada Hoyday iyadoo ay Labada Reer la wada faraxsan yahay.
( D H A M M A A D ).
Wixii Faalo ah ee Sheekada kaaga dhex baxay Halkaan Hoose Commentska noogu reeb Mahadsanid
1 Comments
Ma sidbaa ku dhmaaty ðŸ˜ðŸ˜ðŸ˜
ReplyDelete