Dhibka isagoo iska fara badan yahay ayaa hadana, waxaa aad u adag sidii Warsame iyo Warsan loo kulansiin lahaa, waayo Warsan hadda waa Nin Xaaskiisa, mana jiro Nin oggol in Xaaskiisa Nin ay kala tageen la horgeeyo, haddii ay taasi dhacdo ee uu Ninka Ogaado waxaan shaki ku jirin inuu Reerkaasi halkaas ku Burburaayo, Warsanna taas iney Ogolaato dhicimeyso, waayo Warsame Aragiisa ayeyba Xasaasiyo ka qaadaa.
Wuxuu Waqtigu is guroba waxaa kulan wada yeeshay Marwaan iyo Marwa, oo ay ka wada Xaajoodeen Xilligii ay ka dhigan lahaayeen Meherkooda, kulankoodana wuxuu u dhacay sidaan:-
Marwaan:- Gacaliso ii waran sow ma fiicnid.
Marwa:- Alx.. waa fiicanahay Gacaliye.
Marwaan:- Gacaliso Waqti ayaa nagu socdee goormaan ka dhiganaa Meherkeena ?.
Marwa:- Bal inoo soo go'aami Xilliga aan ka dhiganeyno, koley Aniga waqti kasta diyaar baan ahay.
Marwaan:- Anigana sidoo kale Waqti kasta diyaar baan ahay, balse Reerkaaga kala soo tasho Xilliga aan ka dhigeyno Meherka.
Marwa:- Ok, laakin Gacaliye mid Ogoow ma fiicna in Meherka hadda la qabto, Arooskana dib loo dhigo, waayo hadda waxaas waa laga tagay, Meherka iyo Arooska isku Maalin inuu dhaco ayaa Wanaagsan.
Marwaan:- Sidaas ayaa Wanaagsan Meherka iyo Arooska in Hal maalin laga wada dhigo, anigaba sidaas ayaan rabaa, bal Hooyadaada kala soo tasho, sidii aan wax yeeli laheyn iyo Xilliga aan ka dhiganeyno.
Marwa:- Waa yahay Gacaliye, anaa Hooyo la socodsiinaayo Maanta, Insha Allaah kheyr bey noqon.
Marwa iyo Marwaan sidaa, bey ku kala tageen, ka dib Marwa gurigooda markey timid waxey si degdeg ah Arintii ugu soo bandhigtay Asma oo ah Hooyadeeda Labaad, waxeyna ku tiri:-
Marwa:- Hooyo waxaan rabaa in kuu sheego Arrin.
Hoouo Asma:- Haye hooyo ii sheeg Arrinta maxey tahay ?
Marwa:- Hooyo Marwaan ayaan is aragnay maanta, wuxuuna igu yiri: Goormaan Arooska ka dhiganaa?, Aniga waxaan iri Adiga Waqti inoo qabo, kolkaas ayuu igu yiri: Bal Hooyo kala soo tasho, iyada ayaa Waalid ah oo aan jala tashaneynaa Arrinta.
Hooyo Asma:- Ma Xuma warkaas, ka waran haddaan ka dhigno, Maalinta Khamiista Meherka, habeenka Jimcaha soo galaayona Xafladda Arooska aan ka dhigano.
Marwa:- Hooyo waa si fiican, anaa u sheegaa Insha Allaah.
Isla Markii Asma waxey Farxadda Arooska Gabadheeda ay la socodsiisay Walaasheeda Warsan, aad ayey isugu Hambalyeeyeen, isla markiiba Warsan iyadana waxey soo wacday Gabadheda Marwa, waxey ugu Hambalyeesay Farxadda Arooskeeda, waxeyna u sheegtay iney Hiil iyo Hoo ay garab taagan tahay Gabadheeda, Wax kastana ay diyaar ula tahay oo farxad gelinaaya Gabadheeda Marwa.
Lama soo koobi karo Maanta Farxadda ka muuqata Reerka, gaar ahaan Hooyo Asma iyo Warsan, waayo Gabadhaan waxey la soo mareen Dhibaatooyin iyo Xanuuno aan la soo koobi karin, oo ay Maskaxdooda ku reebtay Xasuus aan weligeed ka tirmeynin.
Maalintii Xigtay Marwa waxey wada kulmeen Gacaliyeheeda Marwaan, waxeyna u sheegtay go'aankii ay soo go'aamisay Hooyadeed Asma, isagana wuu ku raacay Go'aankaasi.
Maalintii xigtay Marwa waxey wada kulmeen Gacaliyeheeda, waxeyna la socodsiisay iney go'aankii ay go'aamisay Hooyadeed Asma, isagana wuu ka Aqbalay, oo waxey isku wada raaceen in Maalinta Khamiista laga dhigo Meherka, habeenka uu jimcaha soo gelaayana ay noqoto Xafladdii Arooska.
Waxaa lagu wargeliyay dhammaan Ehelka iyo Asxaabta, waxaana durba la soo diyaariyay Warqadihii Ka doo qeybgalayaasha Xafladda Arooska, dhammaan waxaa la wada galay u diyaar garowga Xafladda Marwa iyo Marwaan.
Hooyo Asma farxadeeda ma ahan mud la soo koobi karo, waayo waa Arooskii Gabadheeda ay ifka ugu jecleyd oo weliba darteeda uga guurka uga go'day, Hooyo Warsan iyadana kaba sii daran, dhammaan Reerka aad ayey ugu faraxsan yihiin Arooska Marwa, waayo Marwa dhalashadeeda Reerku waxey la soo mareen Xanuuno fara badan iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karin.
Dhanka kale Labada ayeyo Wejigooda waxaa ka muuqatay Farxad aad u sareysa, dhamaan Reerka Warsamena sidoo kale, waxaad moodaa Arooskaan inuu ka duwan yahay kii hore ee Amiin iyo Ugbaad, waayo Labada Ayeyo waxey aad u jecel yihiin Marwa, maxaa yeelay Marwa Farxadda Aabe ma soo arkin, tan Hooyana in yar ayey la nooleyd ka dibna waa la guursaday Hooyadeed, balse waxaa soo korsatay Habaryerteed iyo Ayeeyadeed, sidaasi darteed waad dareemi kartaa Cunug Hooyo soo korisay iyo mid Ayeeyo soo korisay in midka Ayeeyada soo korisay si weyn loo Koolkooliyo.
Haddaba, yaan hadal kugu daalin wuxuu is guro Waqtigu waxaa la soo gaaray, maalintii lagu balamay in Meherka iyo Xafladda la qabto, Waa Maalintii khamiista Xilligii Salaada Subaxnimo oo laga baxay Salaadda ayuu dhaacay Meherka, si Wanaagsan ayuuna u dhacay, Cabitaankii iyo Macmacaankii ayaa la cunay, Jameecada aad ayey u duceeyeen, Maalintaasi waxey aheyd Maalin farxadeed, Labada Ehel ee ku kala fogaa Fikirka ayaa isku soo dhowaaday, oo halkaasi ka muuqday iney soo dhawaatay Neecawdii Nabadda.
Waxaa Reerka timid Warsame hooyadiis oo iyadu raadineyso Gabadheeda Marwa oo ay ugu soo tala gashay Haddiyado aad u qaali ah, waxaana si gacaltooyo ah u soo dhaweysay Warsan hooyadeed, labada dhinacba waxaa ka muuqday Farxad aad u sareysa, Warsame hooyadiis waxaa loo gelbiyay dhankii qolka fadhiga, wada hadal yar oy is dhaafsadeen Labada ayeeyo ka dib, waxaa loo yeeray Marwa, Warsame hooyadiisa waa markii ugu horeysay oo ay aragto Gabadheeda Marwa, waayo Labada Reer waxaa lagu kala maqnaa Col.
Warsame hooyadiis markey aragtay Marwa, waxey durbadiiba la soo booday:-
Warsan Hooyadeed:- Marwa hooyo kaalay Salaan Ayeeyadaa.
Warsame hooyadiis:- Maasha Allaah, wey weynaatay Gabadheyda, yaraanteeda ayaa igu dambeysay, Hooyo see tahay.
Marwa:- Nabad ayeeyo, Alxamdulilaah waan fiicanahay.
Wada hadal gaaban ka dib, Ayeyda ayaa waxa ay Marwa guddoonsiisay Haddiyado qaali ah oy ugu soo talo gashay Gabadheeda Marwa.
Haddaba, waxaa la soo gaaray Habeenimadii lagu wada balansanaa Hoyga Xafladda ay ka dhaceyso, Dadyow fara badan oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa goobta ku soo xaadiray, Kooxdii Muusiga iyagana kama maqna oo Xaadir ayey ku yihiin Goobta.
Hooyo Warsan iyo Xaajigeda waxay fadhiyaan Safka hore ee Xafka, Labada Ayeeyo iyo Asma iyagana wax sidaas ah kama foga halka ay fadhiyaan Warsan iyo Ninkeeda, daqiiqado ka dib waxaa soo galay Warsame oo si Wacan loogu soo lebisay iyo Walaalkiis, waxeyna fariisteen goob u dhow halka ay fadhiyaan hooyadiis iyo Warsan hooyadeed, ka dib waa yaabe maxaa dhici doona Caawa ?.
(La soco Qeybta Xigta)
0 Comments