AMIIN IYO UGBAAD QAYBTA 12AAD

Waa habeenkii jimcaha aan ku balansaneen Xafladda Arooska ee Amiin iyo Ugbaad, goobta waxaa Buux dhaafiyay Dadweyne aad u tiro badan, oo isugu jira kuwo loo meesha lagu Cazuumay iyo kuwo aan lagu Cazuumin, bale aad ugu xiiso qabay iney Xafladdaan ka qeyb galaan.

Waxaa la kireeyay Hoolkii Magaalada ugu weynaa, waxaa kaloo la soo kireeyay Kooxdii Muusiga iyo Fanaaniinta, waxaa goobta soo xaadiray Dadweyne aan la soo koobi karin, oo waxaa laga waayay meel Cag la dhigo.

Xafladda looma kala harin waxey aheyd mid aad looga xiiso qabay Deegaanka, waayo dadku waxey indhaha ku hayeen Labadaan Reer oo dhexdooda Dabka ka shidan iyo Xaalku siduu noqon doono, xataa waxaa ka soo galeen Labadii Ayeeyo ee Cadaawada ka dhexeysay, Warsan iyo Seygeeda Xaadir bey ku ahaayeen Goobta, waxaa la soo kaxeeyay Warsame maadaama Gabadhiisa guurkeeda uu yahay, in kastoo uusan Dhimirkiisu buuxin, haddana waxaa leys lahaa keliya haka muuqdo goobta Xafladda gabadhiisa. Meel gooni ayaa la fariisiyay Warsame, oo waxaa la fadhiyay Walaalkiisa si uu uga war haayo Xaaladiisa, maadaama uu yahay qof jiran.

Warsame iyo Walaalkiis iyaga oo meesha fadhiya ayaa waxaa soo hor maray Warsan iyo Seygeeda Wahbi oo markaas Hoolka xafladda soo galay, Warsame Walaalkiis ayaa durba farta ugu fiiqay isagoo raba inuu ogaado Warsame inuu fahmaayo qoftaan, kuna yiri:-

Warsame Walaal qoftaas meesha socota ma garaneysaa?, 

Warsame intuu eegay buu yiri:- Alla waa iyadii.

Walaalkiis:- Walaal iyadu waa tee ?

Warsame:- Iga daa Ciyaarta ee iigee aan soo Salaamee, waa iyadiiyee.

Walaalkiis:- Warsame waa iyadii hadal maaha Walaal, iyadu Magac sow ma laha?.

Warsame:- Gabadhaan jeclaa sow maaha, ma inaan aqoon baad i mooday?

Walaalkiis:- Haddaad jecleyd waa kaase bal magaceeda sheeg.

Warsame:- Warsan sow maaha dee?

Walaalkiis oo dareemay Xusuustiisu iney soo noqon rabto baa haddana ku yiri:- 

Xagee ku baratay Gabadhaas Warsan?

Warsame:- Beri beynu Saaxiibo aheyn oo aan aad u jeclaa.

Walaalkiis:- Oo hadda ma jeclid miyaa?

Warsame:- Waan jeclahay weli, bal iigee hadda aan la soo hadlee.

Walaalkiis oo ka baqaayo in hadduu u geeyo uu meesha Buuq ka bilowdo, ayaa wuxuu ku yiri:- 

Hadhoow baan kuu geynaa, ee hadda Dad baa la joogo oo waa Mashquul, Dadka markey ka tagaan ayaan u aadeynaa.

Warsame:- Waa yahay.

In yar ka dib waxaa soo dhawaaqay Baabuurtii ay la socdeen Arooska iyo Aroosada oo ay garab socdaan, Malxiisna u ah Walaashood Marwa iyo Xaajigeeda Mustaqbalka, waxaa durbadiiba bilowday Sawaxankii iyo Heesihii soo Dhoweynta oo ay dhamaan Dadkii goobta wada joogay isku si ugu wada luqeynaayaan, taasoo ay ereyadeedu ka mid ahaayeen:- 

Hooyoo, Hooyoo, Hooyoo Hooyoo, Hibo iyo Ducaba naga Hooya.

Labadii Hagaag u Heshiisayee, 
Hooyada leh noqdoo, 
Hibo iyo Ducaba naga hooya. 

Labadii Hodmee Ubad kala helee, 
Hooyada leh noqdoo, 
Hibo iyo Ducabaagaag u heshiisayee, 

Si Heer Sare ah ayaa loo soo dhoweeyay Amiin iyo Ugbaad, Xafladooda looma kala harin, yar iyo weyn Shacabka aad bey u soo dhoweyeen.

Warsan iyo Xaajigeeda Caawa Wejigooda waxaa ka muuqda Farxad aan la soo koobi karin, Ugbaad Hooyadeed Warda iyadana kaba sii daran farxad iyo Alalees aan ka soo koobi karin ayey dhigeysaa, oo waa Hashii gabar ay dhashay Arooskeeda.

Laakin, Warsame hooyadiisa waxey mar walba il xun ku eegeysaa oo ay aad ugu Ciil cuneysaa Warsan, iyo sida la yaabka leh oo ay Caawa u Xaragooneyso Arooska Wiilkeeda Amiin. Mar kasta oo ay Warsan aragto Xaragadeeda, haddana eegtaa Wiilkeeda diifta ka muuqata, kolkaas ayey Qalbiga iska leedahay tan kuu keeno aad Hilbaheeda cuntide.

Habeenkaasi Xafladda lagama sheekeyn karo sida ay u dhacday, waxey aheyd Xaflad Farxad gelisay dhammaan Dadweynihii ka soo qeyb galay Daawashadeeda. In yar ka dibna Amiin iyo Ugbaad waxaa loo sii gelbiyay Hoygii loogu tala galay iney Mustaqbalkooda ku dhistaan.


Kolkii si wacan loo gelbiyay Arooska iyo Aroosadda, ka dib ayaa waxaa goobta isku arkay Weris iyo Warsan hooyadeed, waxaana dhex maray hadaladaan:- 

Weris:- Hooyo see tahay ?

Warsan hooyadeed:- Waan fiicanahay Hooyo.

Weris:- Hooyo waxaan halkaan u imid in aan Raali geliyo Saaxiibteey Warsan iyo dhamaan Reerkiina, Qaladkii aan galay ilaaheey wuu iga guday, ilaa Maantadan ma Nasab Ciriiri ayaa ila soo Wajahay ee Hooyooy Raali haleyga ahaado, oo ilaah dartiisa iigu Cafiya.

Warsan hooyadeed:- Hooyo Waxba kuuma qabno, wixii dhaceen wey dhaceen, waana laga soo gudbay, Cafis baad naga tahay.

Weris:- Waad Mahadsan tahay Hooyo, Weris aaway hadda iyadana waan soo raali gelinaa.

Warsan hooyadeed:- Halkaas baan ku ogaa bal bal ka soo fiiri.

Weris:- Hooyo soo bax i raac, Warsan ila raali geli, Saaxiibteey wax yar kuma sameynin waad Ogtahay Hooyo, Daacadnimadeeda ayuu ilaah iiga Abaal mariyay, dhibka ilaa maanta i heysta waa darteeda, haleey Cafiyo waa ni baryaa.

Warsan hooyadeed:- Waxba ku dhihi meyso soo bax anaa la hadlaayo, ilaah dartiisa meel loo dhaafo ma jirto.

Weris iyo Warsan hooyadeed wey isa soo raaceen, waxey u soo dhaqaaqeen dhankii ay Warsan joogtay, durbadiiba waxey arkeen Warsan iyo Xaajigeeda oo meel wada taagan, waxaana aragtay Warsan hooyadeed, kolkaas ayey ku tiri:- 

Waa taas iyada iyo Ninkeeda meesha wada taagan.

Weris markeey indhaheda ku dhaceen Warsan mana aysan hakane durbadiiba wey ku soo booday iyadoo illintu ay ka socoto, Lugaha ayey qabatay, iyadoo leh: Warsaneey Adduun wax kasta wey dhacaan, Walaasheey iga raali noqo, Diifta maanta iga muuqata aad arkeysid waxaan qirayaa inuu yahay dartaada, waayo Adigoo i Aaminay ayaan ku dulmay, Adigoo Nafsadaada ii dhiibatay ayaan ku xumeeyay, dhagartii aan kuu geystay waaye waxa maanta i heysta, Walaasheey ilaaheey dartiis igu Cafi, il Naxriis maanta haleygu eego, Hooyo waan soo raali geliyay, Adigana sidey Hooyo ii Sharaftay ii Sharaf, Walaaley ilaah Raali hakaa noqdee, Raali iga noqo.

Warsan inteysa hadlin, waxaa isku mar wada hadlay Warsan hooyaded iyo Seygeeda Wahbi oo ay isku mar wada yiraahdeen:- 

Warsan haddeey mar Arrintu gaartay ilaaheey dartiis iga raali ahoow oo igu Cafi, warka wuu dhan yahay Walaashaa Cafi oo Raali ka noqo.

Warsan oo aad uga naxday markey aragtay Saaxiibadeed Weris sida ay u Bah dilan tahay, ayaa iyadana indhaheda Illin fara badan ka soo qubteen oo tiri:- 

Walaaley Aniga waxba kuuma qabo, Raalina waan kaa ahay, waana ku Cafiyay, Adigana ilaahey hakuu gargaaro, waa iska Xaal adduun dhibka waa kaga baxaa Insha Allaah.

Weris oo faraxsan ayaa intey soo istaagtay si farxadi ay ku dheehan tahay Saaxiibadeeda Warsan u dhudhunkatay, iyadoo u muujineysa iney ka Qoomameeneyso wixii hore u soo sameysay.

Sidii ayaa habeenkii lagu kala tagay, iyadoo la wada faraxsan yahay.

Dhanka kale isna waxaa Walaslkiis dagaal ku haayo Warsame oo Walaalkiisa ku haayo War Walaalo Xafladda dadkii wey baxeenee, sow ima dhihin: Hadhoow ayaan Warsan kuu geynaa, aaway hadda iyadiiba looma jeedee.

Walaalkiisa wuxuu dareemay in Warsame markuu Arkay Warsan ay soo noqon rabto Xusuustiisa, kolkaas ayuu ku yiri:- Hadda waa la wada baxay, ee Berito ayaan kuu geynaa Insha Allaah.

Warsame baa yiri:- Waa yahay Berito waan ku sugaa Ogoow.

Walaalkiis:- Waa yahay, Insha Allaah.

Ka dib wey soo baxeen oo Gurigooda ayey ku soo laabteen, Warsame oo laga dareemaayo inuu Faraxsan yahay.

Xataa waxaa habenkaas la yaabtay Hooyadiis oo ku tiri Walaalkiis:- 

Warsame Hooyadiis:- Caawa Warsame wuu faraxsan yahay muxuu soo arkay.

Warsame Walaalkiis:- Hooyo Warsame Caawa caadi maaha, wuxuu soo arkay Warsan, wuuna fahmay iney iyada tahay oo anaa weydiiyay.

Warsame ayaa soo booday oo hooyadiisa ku yiri:- Hooyo Warsan wey joogtay Caawa, waan soo arkay, Walaalkeey ii geey ayaan ku iri, iima geynin, laakin Berito ayaan kuu geynaa ayuu igu yiri.

Warsame hooyadiis waxey dareentay Caawa Willkeeda inuu fiican yahay, waxa keliya ee haryana uu yahay Warsan jaceylkeeda, balse maxaa Arrintaas laga qaban karaa hadda ileen Warsan waa Marwo la qabo.

(La soco Qeybta Xigta).

Post a Comment

0 Comments