Adeerka:- Hooyo see tahay sow ma fiicnid ?
Ayeeyada:- Alxamdulilaah waa ilaah Mahadii.
Adeerka:- Hooyo ka waran Arrinta gabadheena Ugbaad, xaggee marayaan ?.
Ayeeyada:- Koleey hadda war kama haayo, balse Gabadheena Reerkaas loo gacan gelin maayo, mid bey Sixir ku waaleen, haddana ma gabadhiisa ayey rabaan iney naga waalaan ?, Walley ka tahay inaan ka Ogolaaneynin.
Adeerka:- Hooyo sow Dembi maaha Laba Qof is jecel, oo Guur Xalaal u socda, oo aan jirin Wiilka Cilad aan u diidi karno, isla markaasna Muslim ah, inaan kala geyno.
Ayeeyo:- Anaga Dembi geli meyno, ee waxaan Badbaadineynaa Gabadheena, oo balaayo lala maagan yahay.
Adeerka:- Hooyo sow kama darna haddii aan u diidno oo Gabadhiina ay horey u raacdo Ninka, oo ay Gabadheena Banaanka ay Uur ka soo qaado, ma Wanaag baan sameynay mise Xumaan, ee inta aaney taasi dhicin, Hooyo aan u guurino gabadho, Wiilkaas ay us Calmadee, tan Walaalkeey Warsamena waa Qaddar Eebe, Qaddar Eebana cid looma Eedi karo, ee ilaah aan Talo saarano oo Gabadheena Niyadda aan u dhisno oo Farxadeeda aan la qeybsano.
Ayeeyo:- Adiga sidaas ayaad leedahay, mana xuma fikirkaaga, oo waa Dembi Laba ruux is jecel, mowqifkooduna uu yahay Guri Xalaal in la kala geeyo, balse haddii hadhoow ay dhib ka yimaadaan, ma Adiga ayaa Musuuliyadda qaadaayo?, waayo waad aragtay Walaalkaaga Warsame sida loo galay.
Adeerka isagoo Og in Walaalkiisa Warsame uu isaga qaladka lahaa oo uu isaga xumeeyay Warsan, ayuu haddana isagoo Hooyadiisa ka raadinaayo iney u soo debacdo Ugbaad, ayaa wuxuu ku yiri:-
Adeerka:- Hooyo halkaas wax haka eegin, sow ma Ogid wax kasta iney ku dhacaan Qaddarta Eebe, sidaasi darteed Warsame Ilaah ayaa u Qaddaray wixii ku dhacay, Ogowna inaan Qof ku dhaci karin wax uusan Eebe u Qaddarin.
Ayeeyada oo xoogaan soo debacday ayaa tiri:- Waa yahay hadda ma Adiga ayaa Masuuliyada qaadaayo, wixii ku soo Gabadheyda ?
Adeerka:- Haa, haddii wax la yeelo Gabadha anaa Reerka la koraayo Maxkamad, taas igu halee, Insha Allaah.
Ayeeyo:- Waa yahay Bal aan ku aragno Adiga, waxaad ka qabato.
Adeerka oo Wejigiisa farxad ka muuqata ayaa intuu soo booday, Hooyadiisa Madaxa ka dhunkaday, una Mahad celiyay, kuma yiri:-
Hooyo Waad Mahadsan tahat, Insha Allaah Aniga ayaad igu Ogtahay Arrinta Gabadheena Ugbaan, Adigana waa Gabadhaada u soo ducee, inuu ilaaheey Guurkeeda Kheyr uga dhigo.
Ayeeyo baa tiri:- Waan u Duceeyay ilaah kheyr ha ooga dhigo Guurkooda.
Adeerka isagoo aad iuo aad u faraxsan ayuu soo wacay Ugbaad hooyadeed Hooyo Warda, wuxuuna ugu Bishaareeyay iney Ayeeyadu Oggolaatay Arrintii ay isku Ogaayeen ee aheyd Arooska Ugbaad.
Sidaas darteed, waxey Labada Reer ay wada go'aamiyeen in Usbuuca soo socda laga dhigo Meherka iyo Xafladda Arooska, Galabtii Meherka, haheenkiina Xafladda Arooska.
Amiin iyo Ugbaad farxadda ay dareemayaan lama soo koobi karo, waayo waxaa u hirgalay fikirkoodii ku wajahnaa Mustaqbalkooda, maadaama ay Waalidkoodii ay ka heleey weji farxadeed oo mideysay, wax walbana ay ugu hirgaleen sidii ay ugu haminaayeen.
Gabadhii Marwa aheyd ee Warsan dhashay ayaa aad ugu faraxday Arooska labadeeda Walaalo ee Amiin oo ay isku hooyo yihiin iyo Ugbaad oo ay isku Aabe yihiin, Marwa waxey leedahay Malxiisba halkaan loogama baahna waayo Labadoodaba Anaa u noqonaayo oo ku filan Malxiisnimadooda.
Marwa iyadana dhinac kale ayey Qorshe ugu jirtaa, iyadana waxaa soo dhow Meherkeeda oo waxey wada socdaan Wiil ay isku meel ka wada shaqeeyaan oo la yiraahdo Marwaan, iyaguna wax sidaas u badan kama haryana Guurkooda oo waxeyba faraha kula jiraan tabaabushaha Guurkooda.
Marwa waxaa had iyo jeer Garab taagan oo ay talo ka qaadataa mar kasta Habaryarteed Asma oo iyada soo korsatay, aadna u jecel. Asma waxey gabadheeda Marwa ay u ballan qaaday iney u dhigi doonto Arooska loo dhigo Amiin iyo Ugbaad mid ka fiican, waayo Asma ma jecla marnaba iney gsbadheeda Marwa ay Ciishooto, mar walbana waxey ku dadaashaa sidey uga hor marin laheyd Asaageeda.
Alxamdulilaah, maanta Marwa iyadaba wey Shaqeysaa, oo wax sidaa u badan ugama baahna, laakin mar kastaba si kasta uu qofku wax u heysto, haddana lagama maarmo Garabka Waalidka, waayo Waalidku wuxuu ku dheer yahay Khibrad ileen waa Ruux hortaada Adduunka soo arkay.
Marwa aad ayey ugu faraxdaa talooyinka ay mar kasta siiso Hooyadeed Labaad ee Asma, iyadoo Marwa ay u taqaano ama Hooyo ugu yeerto, waayo iyada ayaa Koriimadeeda iyo Barbaarinteedaba qeyb weyn ka soo qaadatay.
Asma Gabadeeda Marwa jaceyl ay u qabto dartii ayey Guur uga dhaarafay, iyadoo mar walba Halheys u ahaa Nin haddaan Guursado Gabadheyda ayaa dayacmeyso, intey gabadha iga dayacmi laheyd Nin warkiisa ha iga haro.
Warsan iyadana markii loo sheegay Guurka gabadheeda Marwa inuu ku xigo kan Amiin, aad ayey ugu faraxday, farxad awgiis dhulka ayaa ku yaraaday, durbadiiba waxey taleefan Hambalyo ah u soo dirtay Gabadheda Marwa, iyadoo leh:-
Hooyo Warsan:- Hambalyo, Hambalyo Hooyo Marwa, Ducadii aa Rabbigey ka baryi jiray maanta ayuu ii aqbalay, Hooyo aad ayaan ugu faraxsanahay Guurkaaga oo ilaaheey Cimri iyo Caafimaad nagu soo gaarsiiyay, Hooyo Kheyr Alla hakaa dhigo Guurkaaga kii lagu farxay Insha Allaah.
Marwa ayaa tiri:- Aamiin Hooyo, Ducadaada ilaah hanoo Aqbalo.
Hooyo Warsan ayaa ku tiri:- Waan Ogahay waxaa Hooyo Asma ayaa dhinacaaga joogto, marnaba oo Hiil iyo Hooba diyaar kuula ah, ee Hooyo Asma mar kasta Ogoow waa hooyadaa farxadeedu waa Adiga, Qalbigeedu waa Adiga, Adduunkeeda oo dhan waa Adiga, Ogoow Hooyo Aniga waan ku dhalay maahee, iyada ayaa kugu soo daashay, dhib iyo dheefba kula soo martay, wallow aan Anigaba Hooyadaada ahay oo aan Waxba kaa hagran, haddana iyada ayaa iga kaa dhoweyd jaceyl weyn kuu qabto ilaa Maantadan, Hooyo Asma waa Hooyadaa Ogoow, Adiga dartaada ayey Guur uga go'day iyada oo mar kasta waxey dhahdaa intuu Nin Islaameed Gabadheyda dhibsan lahaa, isaga ayaa ka dhow ha iga haro.
Marwa intaas dardaaran oo ay Hooyo Warsan kala dardaarmeysay Asma waxaa indhaheeda ka burqanaayay Illin fara badan, waayo Hooyo Asma aad ayey u jeceshahay Marwa, marka looga sheekeeyo Dhibaatooyinka ay la soo martay aad ayey u ilmeysaa, oo Hooyadeeda Warsan waxey ka jeceshahay Hooyo Asma, waayo weligeed Hooyo Asma ayey Arkeysay, iyadoo Wax siineysa, iyadoo wax u soo iibineysa, iyadoo Magaalada u kaxeeneysa, iyadoo iskuulka geyneesa, kana soo Celineysa, iyadoo waxey weydiisato diyaar la ah, iyadoo Naf iyo Maalba u hureysa.
Hooyo Warsan waxey taleefanka dhexdiisa ka maqashay Oohintii oo ay ceshan weysay Marwa, kolkaas ayey iyadana ka daba Oysay, markey in muddo ah ay kala Aamusnaayeen oo mid kasta uu Oohinta ku mashquulsanaa, ayaa markii dambe is Macsamaayeen, oo Warsan baa tiri:-
Warsan:- Marwa Hooyo Asma igu Salaan.
Marwa:- Waa yahay Hooyo, Adigana igu salaan Adeer Wahbi iyo Walaalkeey Amiin.
Warsan:- Insha Allaah Hooyo, Kheer Alla haku siiyo, Bye bye.
Marwa:- Haye Hooyo Bye bye.
(La soco Qeybta Xigta).
0 Comments