Balse Waalidka Caruurta dhashay aad ayey ugu faraxsan yihiin Lammaanahan isa soo xushay, Hooyo Warsan aad bey u jeceshahay Ugbaad iney Wiilkeeda u Guuriso, waayo waxa ay aad uga heshay dhaqanka iyo Akhlaaqda ka muuqata Ugbaad, iyo weliba Afgaabnideeda.
Dhanka kale Hooyo Warda iyadana in kastoo aysan si fiican u arkin Amiin dhaqankiisa, balse waxey ku qanacsan tahay Waalidka dhalay Amiin oo ay Aminsan tahay iney yihiin Waalid Wanaag u saaxiib ah, oo Gabadheeda ay u muujiyaan ama dareensiiyan Waalidnimo, iyagoo weliba Wiilkooda iyo Ugbaad ugula dhaqma isku mid.
Muddo ka dib Amiin, Hooyadiis iyo Aabahiis ayaa waxey fariin ugu direen Ugbaad, iyagoo ku dhahaayo "Amiin waxaad ku tiraahdaa Ugbaad Hooyadaada Maalinta Jimcaha ayaa waxaa idiin imaanaayo Odayaal dhankeena ka socda ee sidaas la socodsii Hooyo, Insha Allaah".
Maalinkii xigay Amiin wuxuu arrintii u sheegay Ugbaad, oo uu ku yiri Hooyo gaarsii warkaas si ay u diyaargarowdo, Ugbaadna wey Aqbashay.
Ugbaad si aysan u iloobon Fariinta, isla markii ay Guriga timidba waxey Warkii si dhaqsi ah ugu gudbisay Hooyadeed, Hooyo Warda oo aad ugu faraxsan ayey durbadiiba fariin ugu dirtay Ugbaad Adeerkeeda, iyadoo ku leh "Adeer Guriga iigu kaalay, Arrin ayaan rabaa inaan kula socodsiiyo", isagana wuu Aqbalay, oo isla habeennimadiiba wuu u yimid oo waxa uu ka wareystay Arrinta, si Qurux badan ayey iyadana ugu sheegtay in Maalinta Jimcaha la soo doonanaayo Gabadhooda Ugbaad.
Hadaba, Arrintii waxey gaartay Labada Ayeeyo waa yaabe isku mowqif ayey ka istaageen, mid kasta waxey leedahay Reerkaas yaan naloo soo dhoweynin, si kasta haddii wax loo tusay waa la kari waayey, Reerka Amiin iyaga wax dhib ama murugo iskama saarin, waayo Warsan ayaa waxey hooyadeeda ku tiri:-
Warsan:- Hooyo Amiin isaga ayaa Qorshihiisa wato, dooqiisana ma hor istaagi karno, waayo haddaan anaga Qarashka ka bixin laheyn, wax bey ahaan laheyd, waana la hadalnay balse isaga ayaa Amarkiisa wato oo yiri Balan ayaan wada galnay, mana ka bixi karo ee idinka Waalidkryga ayaa tihiin iigu soo duceeyo inuu Reerkeyga ilaah ii badajeeyo.
Hooyada:- War Wiilku ma isagaa isku taliya mise waa loo taliyaa?, hadduu hadalkiina diiday Guri ka bixiya, muxuu u joogaa?
Warsan:- Hooyo Mustaqbalkiisa ma hor istaagi karno, Qofka isaga ayaa dantiisa Og, keliya maanta wuxuu nooga baahan yahay inaan u duceyno, ee Hooyo Ducada ku kaalmee Wiilkaaga oo Qalbiga u fur.
Hooyada:- Koleey Aniga Ducada ka baqiili maayo, balse Wanaagiisa baan rabaa, oo weli Reerku baqdin ayaan ja qabaa.
Warsan:- Dhib maleh hooyo ilaaheey dhib kama tusaayo, ee Wiilkaaga u ducee.
Hooyo:- Ilaaheey kheyr ha uga dhigo, wax kale oo aan niraahno ma jirto, ilaahey kheyr hakala siiyo.
Balse, dhinicii kale ayaa dhib ka taagan oo Ayeeyadii kale ee Warsame hooyadiis aheyd ayaa, waxey la soo baxday Miciyo Libaax oo waxeyba leedahay "Far Duco iyo Far Habaar", Gabadhii Ugbaad aheydna waxey taagan tahay, haddii Amiin ley diido Guriga ayaan ka tegaa, cidna yeysan i soo daba gelin.
Ayeyda markii loo sheegay iney Gabadhi sidaa tiri, iyadana waxey taagan tahay "Ha baxdo hadeey rabto, Reerkaas Wiilkeyga Warsame sidaa u galay side Sixir ugu wadeen, Gabar ma siin karno, haddeyse leedahay waan raacaa, ha raacdo oo hana dhaafto iyadana".
Amiin iyo Ugbaad waxaa u qorsheysnaa mid kasta, sidii ay hore ugu balaneen ee ahaa in wax kata oo dhaca haddii ay Reerku u diidaan Qorshahooda Guur iney isla Goostaan (Isla dhuuntaan), balse hadda dhanka Amiin wey u Oggolaadeen Reerkiisa oo Ayeeyadiisa ka soo horjeeday Guurka Ugbaad, iminka wey soo debacday, balse Hoog wuxuu ka taagan yahay dhanka Ugbaad Ayeyadeed, waayo Hooyadeed wey Oggoshahay Guurka Amiin, oo Raali ayey ka tahay in Gabadheeda uu Amiin guursado.
Haddaba, Ugbaad iyo hooyadeed ayaa kulan wada qaatay, oo Hooyo Warda iyadoo rabta iney Wax Ogaato Gabadheeda Ugbaad fikirkeeda, ayaa waxaa dhex maray doodaan:-
Hooyo Warda:- Ugbaad Hooyo waad Aragtaa Ayeydaa waxey leedahay, waana Aragnaa iney Raali kaaga aheyn Guurka Amiin, bal hooyo ka waran Adigana maxaad Arintaas ka leedahay?
Ugbaad:- Hooyo Aniga Adiga ayaa Hooyadeey ah oo i dhashay, Aniga waxaan ku Qancaa wax kasta oo aad adiga i amartid inaan qaato, waad aragtaa Ayeeyo iney rabto Guurkeyga in ay ku xirto Aargoosi ay dooneyso iney uga aarsato Reerkaas, taasna Aniga ma Oggolaan karo, war iyo dhamaantiis hadeey go'aankeeda ka soo debcin oo ay dhahdo teyda haley yeelo, Ogoow hooyo Aniga Balan iyo Axdi ayaan wada galnay Amiin, balantaas oo aheyd Wax kasta oo ay dhacaan inaan Labadeena kala harin, sidaas darteed haddii ay taas dhacdo oo Ayeeyo wax isbeddel ah laga waayo, waxaa dhici doonta inaan Amiin raaco, waayo intaan Ubixii aan Sanooyinka soo beereynay aan Burburin lahaa, misana aan Balanta uga bixi lahaa Ruux aan iska dooranay ifka, Axsan Guriga ayaan uga baxaa ayeeyo u sheeg.
Hooyo Warda markey aragtay fikirka ay qabto Gabadheeda waxaa qalbigeeda galay Cabsi ah iney Gabadheeda ay Suuqa gasho, waxeyna go'aansatay wax kasta oo ay dhacaan iney gabadheeda u guuriso Wiilkey is Caashaqeen.
Hooyo Warda waxey si dhaqsi ah u wacday Ugbaad Adeerkeeda, si ay uga wada hadlaan Arrintaan isku Cakiran oo ay damacsan tahay Ayeeyada, Adeerka isna kama uusan soo daahin oo si dhaqsi ah ayuu ugu yimid Guriga, ka dibna waxaa dhex maray hadaladaan:-
Hooyo Warda:- Adeer waxaan kuu wacay in aan kula socodsiiyo Arrintaan beryahaan soo korortay ee ah Ugbaad Arrinteeda, waadna aragtaa iney Hooyadaa soo taagan tahay oo ay leedahay Ubad anaga dhalnay Reerkaas guursan maayaan, dhibtii Warsame u geysteen ha ku ekaato, Gabadhii Ugbaad aheyd waxey leedahay haddii la diido guurkeyga Guriga ayaan idinkaga baxaa, sidaas darteed Cabsi ayaa i gashay oo ah iney gabadheyda Suuqa gasho, taas awgeed bal Adeeroow Xal keen Adigana, wixii laga yeeli lahaa Arrintaan.
Adeerka:- Waan Ogahay Hooyo hadalkeeda, laakin Aniga waxaan qabaa in Gsbadha loo daayo Dookheeda, waayo Qasab wax kuma hagaago, sidaas darteed Hooyo Anaa la soo hadlaayo, haddeey iga diidana si kale ayaan Xal u raadineynaa. Insha Allaah.
Hooyo Warda:- Bal Artintaan gal oo Adeeroow Xal raadi, gabadha yey faraha ka bixin.
Adeerka:- Igu Haleey Aniga, Si walboy noqoto, si un baan ku Xalineynaa, Guurka sidiisana wuxuu ku Wanaagsan yahay, Qofka inaan lagu Ciilin Dookhiisa, Gabadhana Dookheeda Insha Allaah wey heleysaa, waan Xalineynaa Arrinta.
Intaas ka dib Adeerka wuxuu u dhaqaaqay dhankii Hooyadiis (Ugbaad Ayeydeed) si uu Arrintaas ugala soo Xaajoodo Arrinta Ugbaad, oo dhinac kasta uu wax ka tuso Hooyadiisa oo Madax Adag, ileen Ugbaad ayaa waxey taagan tahay " Kala doorta Amiin ama Guriga inaan idiin kaga tago".
(La soco Qeybta Xigta).
0 Comments