Kadeed Caashaq Qaybta 23aad

Warsan waa gabar xishood badan, isla markaasna aan ku Degdegin Waxyaabaha qaar, waa gabar mar kasta kala ilaalisa iney meel ku wada kulmaan Zowjkeeda iyo Reerka ay ka dhalatay, waayo wax kasta ayaa ka imaan kara, hadey meel ku wada noolaadaan, Sharafteeda aad ayey u dhowrataa Warsan, in kastoo uu Ninkeedu wax kasta uu Raali uga yahay, haddana ma jecla iney Ninkeeda ku dhibto Reerkeeda, ileen Reerkeeda cidna uma baahna oo waa Reer dhaqan, waxna heysta.

Wuxuu Waqtigu Ordaba Warsan waxey lugaha la gashay bushii Sagaalaad oo Uurkeedu wuu weynaaday, waxa la sugaba waa Xilliga ay Foolan doonto oo keliya, Waqtigeeda Caadiga wey dhameysatay. Waxaa mar kasta garab taagan oo Hawlaha u kala wada Walaasheeda Asma oo Hawlaha Guriga ku Saacida, inta kale iyadaa ku filan, waayo Warsan ma aha hablaha jiifka badan ee aan Nafsadiida xataa aan ku filneyn.

Dhanka kale Warda waxeyba dhib ku qabtaa Warsame Aragiisa, waayo markuu indhaha saaraba wuxuu la soo boodaa Warsan, iyadana Magaca Warsan maqalkiisa wuxuu ku noqday Wadna qabad, si kasta wey sameysay Reerkiisa iyo Hooyadiisaba wey u sheegtay, qof arinteeda wax ka qabanaaya wey la'dahay, waxey nafteeda ku canaanataa "Alla maxaa kan guurkiisa ii geeyay, ileen wixii ay hablaha ku diideen guurkiisa waa Doqonimada, wax Waalan qofkii wax la wadaago isagaaba ka daran, Alloow kan iyo Anigana kala badbaadi".
 
Warda iyadoo sidaan u fikireysa ayaa waxaa Albaabka ka soo galay Warsame, waxaana dhex maray doodaan:-
Warsame:- Warsan Macaanto ii waran ?
Warda:- Orod doono dhoocilooyinka noocaaga oo kale ah.
Warsame:- Warsan Xabiibti ilaah ha ii kaa daayo, ma ogtahay ifka Adiga ayaan kuu jeclahay.
Wardi:- Waxa ku waalayba waa inkaarta ku heysato, waxyahoow foosha xun, nagala Ag tag qurunkaaga.

Intaas ka dib intuu ku soo dhowaaday ayuu hoosta ka soo galay, oo garbaha intuu qabtay ayuu Dhunkasho la doontay, Kashii ay wax ku tumeysay oo gacanta ay ku heysatay ayey Madaxa kala dhacday, ilaa dhiig fara badan uu ka baxo, ka dibna waxey u carartay Gurigooda, Intaas ka dib Warsame waxaa loola cararay Hospitaalka. Madaxa laba meel uu ka jeexmay ayaa laga soo today, ka dib guriga ayaa loo soo celiyay.

Warsame hooyadiis oo guriga ka maqneyd ayaa wixii meesha ka dhacay loo soo sheegay, aad ayey u naxday, wey soo carartay oo guriga ayey Degdeg ku timid, Warsame oo madaxa xiran oo Sariirta jiifa markey markey aragtay aad ayey uga naxday, ka dib waxey weydiisay Warda, waxaana loo sheegay iney Gurigooda u carartay.

Warsame hooyadiis waxey tiri: Alla anigaaba waalnaa, markaan Wiilkeyga ku daray waxaan qiimaba laheyn, haddaan markiiba ku dari lahaa Weris arrintu heerkaan ma gaari laheyn, waayo isaga iyo Weris wey is fahmi jireen, ileen markoodii horeba Aniga ayaa u sabab ahaa kala tagooda, bal waa kan hadda xagee wax ka bilaabaa ?.

Warda iyadana markey gurigooda aada ayaa xanuun yar dareentay, oo intey is jiidjiidayeen iyada iyo isaga ayaa jug gaartay, meeshii ayaa Xanuun keentay, wax yar oo qoyaan ahna wuu ka yimid, ka dib Dhakhtar ayaa loola cararay, baaritaan ka dib Dhakhtarku wuxuu soo sheegay iney Xaamilo tahay, oo ay Uur qabto, Cunugana aan wax gaarin oo uu Caafimaad qabo, loona baahan yahay iney Nasasho fiican hesho.

Dhanka kale Warsan iyadana Caawa iyadoo huruda ayaa waxey la soo toostay Xanuun fara badan, waxey kicisay Seygeeda oo u sheegtay iney Xanuun dareemeyso, oo ah Xanuunkii foosha, Wahbi si degdeg ayuu gaarigiisa ugu soo qaaday oo dhakhtarka keenay, Fiisito ayaa laga qaaday, waxaana loo sheegay Fool iney tahay, wax yar ka dibna ay dhaleyso.

Daqiiqado ka dib waa loo yeeray Warsan, oo waxaa loo gudbiyay qolkii Dhalitaanka, Nasiib wanaag ilaaheey wuu u fududeeyay Fooshii, Hawlgal yar ka dib wey Umushay, waxeyna dhashay Wiil.

Warsan wey dhashay oo waxaa ilaaheey siiyay Wiil, waxaana loo bixiyay Amiin, Dhammaan Reerka aad ayey ugu wada farxeen, haba ugu farxad badnaado Zowjkeeda Wahbi, maxaa yeelay Xaaskiisu aad ayuu u jecel yahay, mar kastana wuxuu Alla ka baryi jiray Isaga iyo Warsan inuu ilaaheey Ubad kala siiyo.

Warsame hooyadiisa waxey soo aaday guriga Warda, si ay u hubsato waxa meesha ka dhacay, guriga markey soo gashay ugu horeyn waxey is arkeen Warda hooyadeed, waxaana dhex maray, doodaan:- 

Warsame hooyadiis:- Xaajiyo iska warama see la yahay ?

Warda hooyadeed:- Nabad iyo Naxriis, soo dhawoow.

Warsame hooyadiis:- Waan dhowahay Aaway gabadheydii Wardi ?

Warda hooyadeed:- Wey joogtaa, gudaha ayey ku jirtaa beryahaan wey xanuunsan tahay.

Warsame hooyadiis:- Maxaa ku dhacay, xagee laha hayaa ?

Warda hooyadeed:- Markey xaggiina ka timid ayey la timid xanuunka, dhaqtar ayaan geynay Alxamdulilaah waa Xanuun iska fudud.

Warsame hoyadiisa:- Guriga miyaa xanuunka ka soo garay, ileen Dagaal bey gashay ayaa la lahaa, Warsame isagana waa dhaawac oo Madaxa ayaa u xirxiran oo Laba meel laga soo tolay.  

Warda hooyadeed:- Oo maxaa Madaxa kaga dhacay Wiilka.

Warsame hooyadiis:- Kal ay gacanta ku heysay ayey la dhacday, baa la yiri.

Warda hooyadeed:- Wallee waa dhibaayo, iyadana mar guriga inoo timid ayey habeenkii Xilli dambe xanuun la soo kacday, dhaqtar ayaa la geeyay, hadda wey Wacan tahay.

Warsame hooyadiis:- Dhaqtarka muxuu soo sheegay.

Warda hooyadeed:- Kheyr ayuu soo sheegay iyo iney gabadhu ay Uur leedahay.

Warsame hooyadiis:- Alxamdulilaah haddey Uur leedahay, waa ilaah Mahadiis, ileen beyahaan Xanaaqeeda badan Uurka ayuu ahaa.

Warda hooyadeed:- Waa sidaan ayaan filaa.

Warsame hooyadiis:- Kheyr ilaah haka dhigo, ee aaway Warda aan arkee ?

Warda hooyadeed:- Qolka ayey jiiftaa soo gal kaalay.

Warsame hooyadiis waxey soo gashay qolka, Warda ayey Salaantay, is wareysi dheer ka dib Warsame hooyadiisa ayaa Warda ku tiri:- Wardaay hooyo Xanaaqa iska dhaaf, ee badi Nasashada, Insha Alah waad Caafimadeysaa.

Intaas ka dib Warsame hooyadiis wey soo baxday, iyadoo aad ugu faraxsan Uurka loo leeyahay Wiilkeeda Warsame.

Ka dib waxey timid Gurigeeda, qolkii Warsame ayey gashay, wuuna jiifay isaga, balse wuu soo jeeday markey aragtay inuu soo jeedo ayey ku tiri:- Hooyo hadda xanuunka see ka tahay ?. 

Warsame oo warkeeda fahmin ayaa ku yiri:- Warsan see aheyd Hooyo ?, gurigooda miyaad ka timid, ma igu Salaantay ?

Hooyada oo warkaasi dhibsatay ayaa tiri:- War iga tag balaayo kugu dhacday weli miyaad Warsan ku heysaa?, ifkaba magacaas baan ugu necbahay, Warsan waa tii sidaan kuu waashay balaayada.

Warsan wax kasta oo Reerka Warsame ka dhaco, waa loo soo weriyaa, maantana waxaa loo keenay, wixii dhex maray Warsame iyo Xaaskiisa Warda, iyadoo loo sheegay iney ka tagtay Xaaskiisa, Warsamena uu Madaxa ka dhaawacan yahay oo ay Xaaskiisu Kal kaga garaacday Madaxa, iyadana ay gurigooda u carartay.

Warsan oo mar kastaba dhibsata Reerkaasi hadalkooda in lagu soo qaado ayaa tiri:- Wixii is dilaayo ha is dilaan, ee Reerkaas warkooda iga daayo yaan leygu soo qaadin, ifkaba iyaga ayaan ugu necbahay.

(La soco Qeybta Xigta).

Post a Comment

0 Comments