Xaqiiqda Ku aadan inaad Qof Jaceel Ku Abuuri Karto iyo in Kale.
Jaceylku waxuu lamid yahay dareenkasta oo kale waana la kantarooli karaa silamid ah sida ay u jiraan habab iyo farsamoyin loola tacaalo istresska ama diiqada.
Sidaad si lamid ah ayeena u jiraan habab kaa caawin kara inaad qof jaceyl ku abuurto. Inkasto laga yaabo in xugta aan kusheegi doono 100% kuu shaqayn balse waxay laba jabaareysaa fursadaha aad qof jaceyl ugu abuuri karto.

1.Isku Day inaad Buuxiso Qofka Baahiyahiisa.
Markey dadku raadinayaan lamaana cusub, waxay si aanay ka war ahaayn u raadiyaan qof leh sifooyin iyo tilmaamo lamid ah kuwa ay naftooda ku jecelyihiin iyo sifooyin ka duwan kuwa ay naftooda ku neceb yihiin.
Tusaale ahaan, Hadii uu qof caqli badan yahay balse uu dareema hoseen iyo kalsooni dara badan qofkasi waxuu raadsan donaa lamaana caqli badan isla markana isku kalsoon.
Taasina waxay qofka maskaxdiisa u direysaa fariin ah waxaan hayaa waxa aad u baahantahay.Dadku badana waxay raadiyan waxa iyaga kamaqan noloshooda.
2.Waafaq Sharuudaha Qofku Donaayo.
Qofkasta oo inagamid ah waxaa maskaxdiisa kujira shuruuda oo uu qofka uu jeclaanayo ka rajeeyo inu yeesho kahor inta uusan qofkaa jeclaan.
Tusaale ahaan waxa lagayabaa shurudaha qofka iney kujiraan 1.Waa inuu noqdaa qof aan balwad lahayn 2. Qof diin leh 3.Qof aqoon leh iyo kuwakale oo badan.
Kahor inta aadan iskudayin inaad qof jaceyl ku abuurto,samee baaris yar oo iskuday inaad ogaato qofka waxyaabaha uu xiseeyo.
Markaad intaas ogaato iskuday inaad shuruudahaa buuxiso.
3.Noqo Qof Kalsooni Qabo.
Ha isku dayin in aad iskadhigto qof aadan ahayn, wadada kaliya aad guusha ku gaadhi kartid wa inaad aamintaa nafsadaada.
Ha iskadhigin qof aadan ahayn adigo muhiimadaadu tahay in aad cajabiso gabadh mise asxaabtaada.
Ahoow nafsadaada,taasi waxay muujineysaa in aad tahay qof isku kalsoon hada aanan daneyneynin dadka kale fikirkooda.
4.Waqti Laqaado Qofka Doneyso inaad soo jiidato.
Waqti laqaado qofka aad doneyso adigo waliba muujinaayo inaad ku faraxsantahay waqtiga aad isla qaadaneysaan.
Qofka marka danbe waxaa u daremaaya in aad xagiisa qiima weyn kaleedahay aadna tahay qof u qaali ah.
5.Boogaadi(Compliment).
Hadii aanu nahay bani’aadam,waxaanu jecelnahay in qofka na amaano mise waxa wanaagsan nagasheego.
Hadii aad aragtid qof labas fiican wato iskuday inaad usheegto in labiskiisa aad ugu quruxbadanyahay taasina waxey kadhigeysa in aad qofkaasi soo jidato hadaladaada macaan.
6.Dhoola Cadeenta.
Dhoola cadeentu waa habka ugu awooda badan ee qofka lagusoo jiito.Micnaheedu waa in aad abuuri kartid fariin farxadeed aadna udiri karto qofkale.
Fariintani dhoolacadeenta waxay ku suurta galineysa in qofka kale kugu jawaabo dhoolacadeen.Sida darteed ha noqon qof marwaliba xanaaqsan ee muuji in aad ku faraxsantahy aragtida qofkaasi aad rabto in aad soo jidato.
7.Noqo Qof Hadaf Leh.
Marka aad tahay qof hadaf iyo riyooyin sare leh waxaad u muuqaneysaa qof karti leh waliba donaayo in uu noloshiisa iyo mustaqbalkiisa wax kabadalo.
Taasi waxay soo jiidaneysaa qofka kale aad rabto in uu ku jeclaado ileen qof doonaya majiro qof caajisloow ah,mustaqbalkiisana anaan ka fikireynin.
Sidaas daradeed marka aad la shekeysaneyso qofka aad rabto in aad soo jiidato,oga shekee hadafyadaada iyo sida aad ka dooneyso mustaqbalkaaga.
0 Comments