Xisaab nololeed

Uukow Media Mugadishu-Somalia

Hadii aad noolaan karto 60 sano, maalinkasta oo noloshaada kamid ah waxaad seexataa 8 saacadood, hadii laysu geeyo wadarta wakhtiga aad hurudo ku qaadatay waa 20 oo kamid ah noloshaada.

Waxaad shaqaysaa 8 saac maalinkata, hadii laysu geeyo wadarta wakhtiga aad shaqaysay waa 20 sano noloshaada

15 sano waxaad ahayd ciyaal ama cunug yar.

Maalin kasta labo jeer ayaad u fadhiisataa cunto waxaadna ku qaadataa 30 daqiiqadood inaad wax cunto, hadii la xisaabiyo waa 3 sano

Hadii laysu geeyo wadarta wakhtigaaga waa sidan
20 hurdo + 20 shaqo+ 15  caruurnimo + 3 sano oo cunto qaadasho ah wadartu waa 58 sano cimrigaaga hadii laga jaro tirada cimrigaaga (60 sano)  saxaa kuu baaqi noqon 2 sano.

maxay noqon doontaa jawaab taadu marka aakhiro lagu waydiiyo maxaad ku soo qadatay waqtigaaga intii aad noolayd?

waxaan kuu hayaa xal dhow oo aad ku xalliso arintan.

kitaabka quraanka  ahi waxaa uu ka kooban yabay 604 warqadood ama xaanshiyadood  hadii aan u qaybinno 30 cisho ee bilwalba  maalintii waxaa kugu hagaagaysa ama kugu so aadeysa 20 warqadood ama xaanshiyadood  oo keliya maalintiiba.

Maalin kasta waxaad tukataa 5 salaadood. hadii aad 20 bog uqaybiso  salaad kasta waxaad aqrin kartaa 4 bog (20/5=4)

Hadii aad u dirto fariintan saxibadaa iyo faamili gaaga kadibna ay Dhameeyaan akhriska quraanka bil walba miyaad qiyaasi kartaa ajarka aad ka heli kartid adigu ?

Markasta oo qof akhriyo waxaad helaysaa xasanaad iyadoo aan waxba laga dhimayn account gaaga aakhiro cajiib.

maxaad naftaada ugu samayn wayday fursad ganacsi oo faa iido leh xagga xasanaadka/ajarka iyo aakhiradaadaba inta aad murmeysid maalinwalba dood cidla ahna ku jirto.

maxaa dadka ugu tilmaami waydey  inay dhameeyaan quraanka bil walba  ee curata adiga oo naftaada ka bilaabaya !.

Qoraa  Abdulkadir Uukow

Uukow Media Warbaahin wax Dhista

Post a Comment

0 Comments