Ha guursan ilaa aad ogaatid waxyaabahan hoos ku xusan.
Ha guursan .. Ilaa aad garato macnaha nolosha
Ha guursan .. ilaa aad garato macnaha guurka
Ha guursan .. ilaa aad barto sida aad u ilaalin layd xuquuqda xaaskaaga
Ha guursan .. ilaa aad hesho cidii aad la noolaan lahayd markaad dhibaataysan tahay iyo markaad faraxsantahayba.
Ha guursan .. ilaa aad barato masuuliyada kusaaran
Ha guursan .. ilaa aad heshid deegaan muslim ah oo aad ku korisid caruurtaada.
Ha guursan .. ilaa ay noqoto aakhiradu kahor aduunyadaada
Ha guursan .. ilaa aad barato xuquuqda xaaskaagu ay kugu leedahay, maaha alaab guriga kuu taala oo guriga kuu qurxinaysa, mana aha shaqaale guriga kuu nadiifisa balse waa noloshaada qayb kamid ah, wax kaste way kula wadaagtaa waxaanay xaq u yeelatay in aad dhagaysato oo aad fahanto.
Ha guursan .. ilaa aad ogaatid inaad tahay ku dayasho wacan oo ay ku daydaan ubadkaagu, suurto gal maaha inaad caruurtaada ka waanisid arin aad adigu faraha kula jirto.
Ha guursan .. ilaa aad baratid dooda iyo wada hadalka caafimaadka san.
Ha guursan .. ilaa aad ogaatid inaad tahay qof naxariis badan
Ha guursan .. ilaa aad ogaatid inaad aabe noqon kartid mana aha inaad nin tahay kaliya.
La Wadaag Asxaabtaada Si Ay U Aqriyaan qoraalkan
1 Comments
𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼𝗯 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼 𝗹𝗲𝗲𝗱𝗮𝗵𝘆 𝘇𝗵𝗽 𝗺𝗰𝗻
ReplyDelete