MaanaFaay Qaybta 9aad

— 1 —

Fatuurad cad oo kala jiidan ayaa soo hor fariisatay sar gaaban oo guduudan, korkana jiingad gambis ah ka hagoogan. Nin xoog weyn oo fatuuradda dhex fadhiyay ayaa intuu saddex jeer saliidda cagta ku cadaadiyey, matoorka kaga cabaadiyey. Waa baaq ay isla yaqaanniin isaga iyo qof gudaha ku jirtay. Waa siduu rabaye codkii baa gudaha u gudbay.

Waxaa maqashay Beyddan Shabeel oo hor fadhiday, shaqo iyo sheeko wixii ay u baahdaanna ka haqab tiraysay, laba nin oo qolka labadiisa gees laba joodari iyo dhawr barkimood ku kala dangiiga, laba gabdhood oo dhawaan qaan-gaarayna midba tiisa afarta addin dhexdooda ku haysto, sidii hooyo iyo ilmaheed, afkana qaad ugu gurayso, marka uusan isagu ammuuro kale ku hawlin!

Muusikada baxaysa, marqaanka lagu dhex jiro iyo buuqa la isku maaweelinayo, ma ahayn mid wax laga maqli karo, xitaa haddii daaradda bambooyin ka qarxaan. Hase yeeshee, Beyddan Shabeel horay bay labadeeda dhegood ugu carbisay in ay midina ku jeesato martida u fadhida, midda kalena martida cusub ee soo degeysa dhaqdhaqaaqooda dibedda kala socoto. Looma baahna in ay is-arkaan labada martiyood, ama is-ogaadaanba! Yartii u adeegaysay oo bannaanka ka shanqaraysa ayay amar siisay, “Naa fiiri baabuurkaas!”

In yar kaddib bay Faaduma-Yarey warbixintii u keentay. Iyada iyo guntiinadeedaba waxaa ka muuqda diiftii iyo daalkii ay ku rideen hawlaha adag ee is-daba joogga ah ee ay Bayddan martideeda ku farax gelinayso, si gacmahoodu jeebabka ugu dhiirradaan, “Naa dhakhso qolkaas soo gogol! Keer soo nadiifi! Shaah kale soo kari! Khum-khum soo shid! Kooka-Koolla iyo sigaar soo gad! Biyo soo aroor! Suuliga biyo gee! Macawiisaha iyo dhiinsoolayaasha dhaq, waa kuwii caawa lagu fariisan lahaayee!” Amarradaas fulintooda ayaa gabbalku ugu dhacaa, waaguna ugu baryaa. Kala fogaa fahma-darrada Faadumo-Yareey ka muuqata iyo sida ay u shaqaynayso. Waa agoon 13 jir ah ee aabbaheed beer yar degmada Afgooye ku lahaa. Markuu dhintayna iyada iyo afar walaalaheed ah oo ka sii yaryar, Xamar u soo dalaabeen. Dilka, af-xumada iyo shaqada naxariis la’aanta ah waxay ugu dul-qaadataa si ay kuwii ka yaryaraa rooti ugu geyso. Badanaa inta jeer ay habeen-barkii ula gudday hambada shaaha iyo cashada ay ka kacaan martida marqaansan ee Bayddan. Markii soo daadi la yiraahday dambiil ku aruursataa, si ay walaalaheed noloshooda ugu badbaadiso!

Intay si miskiinnimo ah irridka isu soo taagtay bay tiri, “Waa ninkii buurraa oo baabuurka dheer wadan jirey.”

Bayddan sidaas kuma garan karto, immisaa nin buuran habeen kasta baabuur dheer soo hor dhigata! Intay yartii indhaha ku caddaysay bay tiri, “Heedhe ninka buurani waa kuma?”

“Kii oo habeenkii dhaweyd Seynab la fadhiyey.”

Saynab baa intay garatay ninkii ay qaadka afka ugu guraysay afartiisa addin ka dhex qaylisay, “Naa waxay sheegaysaa odaygii Jaamac-Dhegay!”

Bayddan halhaleel bay bannaanka ugu boodday. Ma Jaamac-Dhegay baa nin laysku ladi karo ah? Waa ragga ay ku dhaadato! Waxay ka xumayd inaanay habeenkaas fariisin karin, oo gurigii hortiis la buuxiyey. Inuu ka xumaadana way ka welwel qabtaa. Tolow maxay ku raalli gelin doontaa? Iyadoo baabuurka daaqaddiisii uu ka furay hal lug sii gashanaysa ayey tiri, “Waar Jaamac! Ma adigii baa? Ii warran, beryahaan waa i nacdoo lagu waaye! Caawa meel xun baad iiga timid, kuwo baas oo aan iska dhaqaajin kari waayey baa gurigii fadhiya. Ii dhiib sigaar!”

Baakad sigaar ah iyo tarraq hortiisa yiil buu soo haabtay. Intuu baakadkii daboolka ka rogay ee xabbadihii safnaa mid soo dhaweeyey buu u taagay. Markay la baxday buu intuu tarraqii hal xabbo ka shiday dhankeeda isula qalloocshay. Intuusan gaarsiin buu madaxeeda shishadiisa wuxuu ka arkay gabar bilicsan oo gudbaysa. Waa Maana-Faay oo ka soo laabatay gurigii Sahra Yuusuf ee ay ilaa shalay ku dhuumanaysay. Waxay u socotaa gurigii walaasheed Leyla.

Intuu gabadhii hiyi-raacay, ayuu dabkii gacantiisa ku illaaway, ilaa uu kulaylkii dareemay tarraqiina tuuray. Intay daymo duluc leh ku eegtay bay tiri, “Ma ku gashay, inaad baxday waa ku arkaaye?”

“Gelid keliya maahee way iga dhex dustay! Inta aad caga-booreyda iyo low-galaaska nagula wareegaysid, bal car qoftaas oo kale keen!”

“Waar waad caytamaysaaye waad og tahay in aanan caga-boorey keenin. Tan qudheeduna meel igama jirto, hadday dahab kula tahay. Caawadaas la joogaan hore kaaga dari karaa, laakiin, ma istaahishid.”

Intuu kursigii kor uga booday oo kulligii dhankeeda u jeestay buu xammaasad filan-waa ku yiri, “Ilaah baan kugu dhaarshaye ma taqaan?”

Intay xabbaddii sigaarka ahayd afka ka bixisay, ee cuntub qiiq ah hawada ku dartay bay tiri, iyadoo qab-weyni la madaxtaagaysa, sidii ay ceel batrool ah ku fadhido, “Weli Bayddan barashaa kuugu dhimman. Ma taqaan, ma taqaan? Kam shufnaa maraakiib macaa-dallaa huuri! Middaan iska daaye meeqaa ii qarsoon xuural-ciin dhayla ah oo haddaad dhammaanteed dhunjisana aadan ku marganayn! Maxaad fali lahayd haddaan ku tusi lahaa dad aan ogahay!”

“Dadkaas kale oo dhan iska haysoo, tan uun mar qura ma i soo hor fariisin kartaa?”

“War i maqal, Maana meel kaama jirtee, Bayddan gacanteeday kuugu jirtaaye, waxaan ku iri…” bay tiri, sidii qof arrintaasi la fududdahay ee wax ka muhiimsan soo wadda. Haddana intay jimicsatay bay tiri, “Heedhe bal casho ii dir, caawa gaajo xun baa i haysee. Naa kaalay casho ii soo gad! Meeday tii gabar ahayd?”

Way og tahay inaan gabari maqlayn. Cashana dirsan maysee ujeeddo kaley leedahay, ninka ay gaadaysaana wuu la garanayaa. Waayo-aragnimadeeda ayaa bartay gol-jilicda ragga laga soo galo iyo sida marka uu godlan yahay looga gaarsiiyo. Intuu jeebka gacanta u diray buu waraaqo lacageed oo mad-madow ka soo bixiyey, isagoo leh, “Maxaa tiri, Muuna miyey ahayd? Bal iigu soo celi magaceedii.”

“Maana-Faay, faceeda-ka-roon!”

“Ma ciddooday la joogtaa mise waa fiidmeer? Hoo cashada u dirsoo,” ayuu yiri isagoo laba warqadood oo min boqol shilin ah u soo taagaya, uurkana ka leh, Intaani waa carbuuntii ee qabso, cunaha dig lagu yiriye! Casho in aadan baahi u qabin waan is-ognahaye!

“Jaalle qoftaani qof cayaar-cayaar gasha ma aha,” Bayddan oo markay lacagta aragtay codkeedii dhadhan macaan iyo firfircooni ku dheehday baa sidaas tiri, “Waa gabar yar oo gurigooda ku asturan, macdanteediina ku duugan tahay. Waa bitamiinkaas miiddu da’ayso! Qof waxyaalaha aad la maaggan tahay loo quuri karo ma aha, immisa nin baa ka daba dhareeraya, ee aan ka diiday inaan u fududeeyo, adiga uun baan ku qaadi waayey oo Jaamac igu noqday mooyee!”

“Allaa-yacisag! Aniga dhan adaa i leh!” buu si raxmad leh ugu yiri, isagoo gacaltooyo aan laabta jirin, garbaha gacan ka saaraya.

“Bayddan Shabeel dhanka ay kaa jirto dhaxani kaa soo geli mayso,” bay ku dhigatay, “Adigase waan ku aqaanoo marka aad dan leedahay uun baad isu kay bihin-bihisaa.”

“Inta aan noolahay agtaada iga day, baan ku iri! La’aantaa abaar!” buu ku beer laxawsaday, haddana intuu codkii adkeeyey u raaciyey, “Hadda goormaad qoftaas igu allifaysaa?”

“Barnaamijkaaga Jimcaha qorshaha ku darso.”

“Waa hagaag, inkastoo Jimcuhu igu fog yahay.”

“Maxaad ku ordaysaa, Jimcaha afar beri uun baa kaa xigtee?”

“Warkaagaa jira, laakiin, Jimcaha waa la hubaa inaan Muuna helayo sow ma aha?”

“Maana Jimcaha gacantaaday ku jirtaa. Igu hallee aniga! Qorshe kale ma geli kartid!”

“Bal fikrad iga sii dabinka aad u dhigi doontid, si aan wax uga sii ogaado.”

“Ka bax baddaas! Anigey i jirtaa waddada aan u maraayo. Adigu gabar diyaar ah baad iga taqaan.”

“Warkaagaa jira. Saacadda aan is-keenayo uun ii sheeg.”

“Anigaa Khamiista kuu imaanaya, haddii lacalla wax lagaaga soo baahdo; haddii kalena kolley qorshaha iyo saacaddaan kula socodsiin doonaa.”

“Waa hagaag. Nabadgelyo.”

“Nooli kulante!”

 

— 2 —

Maana-Faay waxay ku dhex jirtaa toddobaadkii ugu adkaa taariikhda nolosheeda. Guriga walaasheed Leyla ayey karantiil ahaan u joogtaa. Waa gurigii ay hawo-gaddiska u soo aadi jirtay markay ku cabburto gurigooda jawigiisa. Hadda isagii baa ka hor yimid. Leyladii maaweelin jirtay maalmahaan way ku kacsan tahay. Waxay ku eedaynaysaa in ay u soo jiidday caro waalidkeed u qaado. Xaafaddii oo dhan waxaa gashay, Leyla Maana waxay la rabtaa ninkeeda saaxiibkiis.

Ciise-Dheere marka uu guriga joogo aad buu ugu dadaalaa in uu dumaashidi maaweeliyo, niyaddana u dhiso. Sida Maana ayuu qudhiisu maalin walba ku fekeraa, Tolow Axmadkii muxuu ku maqan yahay, muu naga soo dhakhsado! Maana yididdiilada qura ee ay nolosha ka qabto waa soo noqoshada Axmed iyo tallaabada uu ku badbaadin doono aayaheeda. Ciise iyo Sahraba waxay mar kasta ugu laab qaboojiyaan, in uu soo dhow yahay, isla maalinta uu soo galana qaadi doono tallaabo farax gelisa. Maalintii dhawr jeer bay shaqadiisa iyo gurigoodaba taleefoon u dirtaa. “Axmed ma imaaday?” bay ku waalatay. “Weli ma imaan,” baa lagu wadna gooyey. Shantii beri ee uu maqnaa shan bilood bay kala badatay. Lama tirin karo inta jeer ay gurigiisa cidlada ah ka soo daclisay.

Marka Ciise guriga ka maqan yahay, sida badan Sahra Yuusuf bay u maaweelo doonataa. Sahrada qudheeda welwel iyo walbahaar kuma yarayn. Xil culus bay dareemaysay. Taar iyo telefoonba walaalkeed jawaab way uga wayday. Mar bay damacday in ay gabadha Jilib uga daba geyso, halkaasna lagu soo mehriyo. Haddana way la habboonaan weyday in ay arrintaas keligeed ku tala baxdo. Waxay ku fekertay in ay abtigeed arrinta la socodsiiso. Haddana way ka hakatay. Yaa og waxa ka imaan doona, waayeelku si kalay u fekeraane! Waxay ka baqday in ay bad gasho!

In isagii la sugo wax dhaama ma leh, wixii uu maqnaadaba waa maalmo yare, intaasna gabadha sii maaweeli, ayey talo dhaafsiin weyday.

Iyada iyo Maana maalin joogto ayey isu arki jireen. Galabtaas Sahra waxay soo aadday gurigii walaasheed Leyla. Maanay doonaysay. Iyaduna intii ay jidka ku sii jirtay bay gurigeedii u daba martay. Maana markay Sahra guriga ka wayday baa wax cululubteen. Goor ay soo leexatay iyo meel ay soo martay midna ma garanayne waxay is-aragtay iyadoo gurigii Axmed ag-taagan. Irridkiisii oo furan ayey isheedu ‘qac’ ku tiri. Dareen silloon baa qabandhaco kadis ah korkeeda ku yaaciyey, xaaddeedana dhaqaajiyey. Ma naxdin baa? Ma farxad baa? Ma labadoo is-huwan baa? Ma garanayso. Keliya waxay garanaysay in daqiiqaddaas qalbigeedu lahaa, Alla waa yimid macaanahaygii! Bishaaro badanaa!

Iyadoo xammaysan bay albaabkii garaacid la’aan jiirtay. Irridkii bay ‘dalaq’ tiri. Indhihii hilowga gaamuray iyo hammuunta jacaylku hawadinaysay baa sariirtii huruudda ahayd durbadiiba ku hagoogtay qac. Nin ku dangiigay baa farxad hore ula soo booday. Qofkii sii xammaysnayd naxdin bay dib ula boodday, “Aaa!” intay tiri, sidii bahal dad-cun ahi ku soo booday.

Ninkii oo wajigiisa farxaddii degdegga ku soo gashay degdeg uga tirantay, ayaa intuu markiisa dib u hakaday, cod aan yaab ka saan-la’ayn ku yiri, “Haye Maana? Sow adiga argagaxay! Maxaa kugu dhacay?”

In yar bay ka aammusnayd, markii ay neef ceshatoyna, cod niyad-jabsan hoos ugu jawaabtay, “Waxna!”

Kulmiye intuu sare kacay ayuu gabadhii albaabka xaggiisa cucubnayd gacanta soo qabtay, si naxariis lehna ugu yiri, isagoo kursi u tilmaamaya, “Soo fariiso abaaye! Mininku minankaagii lee waaye! Kow, ka warran caafimaadka?”

Maalintii Axmed baxayey, ayuu Kulmiye weydiistay in uu guriga furihiisa u sii hayo. “Waan kuu sii ilaalinayaa, habeen-habeenkii aan u baahdana waan ka faa’iideysanayaa,” buu ku yiri. Laakiin ujeeddadiisa weyni taas ma ahayn. Waxay ahayd tan galabtaas farxadda ka keentay. Waxaa ku soo dhacday in uu Maana ku gaado. Wuu iska garanayey in ay kolleyba marmar soo kormeeri doonto, bal in Axmed yimid iyo in kale. Wuxuu is-yiri, Hadda uun baad fursad u haysataa in aad ka faa’iideysatid gabadhii quruxda badnayd, qalbigana jilicsanayd.

Muddadii Axmed maqnaa maalintii u horreysay iyo tii xigtay midna Maana guriga ma soo aadin. Maalmihii dambe oo dhanna, isaga qudhiisaaba bad kale ku jirey, xaafaddaana u kansho hayn.

Muddooyinkaan dambe, Kulmiye aad buu u soo darsaday. Wuxuu caadaystay in uu beryo badan oo isku xiga khamri iyo sakhrad isugu bixiyo. Inta uu caadiga yahay waxaa ka badan inta uu sakhraansan yahay. Waqtigii uu shaqo tagi lahaa ama waxyaalo kaloo dani ugu jirto ku gudan lahaa aad buu u yaraaday. Kharashkiisii xad-dhaaf buu noqday. Waqtigii uu dakhli ku soo saari lahaana sidaasuu ku dhumiyey.

Taasi waxay aad u xumaysey xiriirkii ka dhexeeyey dhinac isaga iyo Hay’adda uu ka shaqeeyo; dhanka kalena isaga iyo qoyskiisa. Markii labada qolaba waayaan, ee midiba mid weydiiso, ayaa marka dambe laga soo helaa isagoo meelo xun dhacdhacaya ama hurda. Xagga shaqada digniin badan, ganaax badan iyo hoos-u-dhac badan intaba wuu kala kulmay. Rukhso uun baa u hartay, iyadana ma kala jecla. Xagga qoyska xiriirkii oo idil waa laga goostay. Waa qoys ladan oo lacagta uu gubayo badankeeda uu iyaga ka heli jirey. Ugu dambayntiise aabbihii markuu ka quustay wuxuu ku yiri, “Maandhow bannaanka iga mar, carruurta ha iga fidmayne!”

Beryahaan dambe dhibaatooyin culus baa ka soo food saaray xagga dhaqaalaha. Saaxiibbadiisii ay baddaas ku wada jireen markii uu kaalintiisii gabay, ayay badankoodu ka daysteen kharashkii ay ka bixin jireen. Aad buu u xayraansan yahay. Wax walba wuu ku kacsan yahay, xataa nafsaddiisa. In badan buu ku tashadaa in uu is daba qabto, ee dabeecadihiisa baddelo. Haddana mar walba wuu ku guulaysan kari waayaa. Waalidki caasi kuma ahee aad buu u jecel yahay, laakiin waxaa ku adkaata fulinta waxa ay la jecel yihiin. Ilaa hadda waa ka xishoodaa in uu aabbihii sigaarka ku hor cabbo, wax ka weynna iskaba daa. Wanaagga lagula taliyo aad buu ugu riyaaqaa, khaladaadkiisa u garaystaa, waanada u qaataa, in uu ku camal fali doono u ballan-qaadaa. Haddana markii fulinta la gaaruu dhexda ka barriiqdaa, isagoo baddii dhex muquufayuu is-arkaa.

Khamriga iyo dumarka ayuu is yiraahdaa isku ilowsii dhibaatada. Markaasuu noqdaa ninkii holaca ku dhex jirey, oo bensiinka biyaha moodaye is yiri ku qabooji!

Maana-Faay ayuu galabtaas ku tashaday in uu isku ‘qaboojiyo!’ Aad buu ugu farxay, markii ay u soo gashay. Daacadnimo is-tustus ah buu ku soo dhaweeyey. Qalbi-furnaan xad-dhaaf ah buu u muujiyey. Kaftan iyo maad buu ku hafiyey. Saskii markii ay u soo gashay ku dhacay raadkiisii buu ka tirtiray.

Wallaahi yarkaan dumaashi boqor eh waaye! bay niyadda ka lahayd, iyadoo kaftankiisa u qoslaysa. Asaguna hoostuu uga mindiyo lisanayey, faan been ah ku asqaysiinayey. Tartiib-tartiib buu sheekada majaraheedii meeshii uu rabey ugu leexiyey. Tabtii baase ka xumaatay.

Markii ay ‘Axmed’ marar badan soo hadal qaadday, ayuu is yiri, Ninkaan ay ku wardinayso ka sii yara jeedi.

“Axmed wax akhbaar ah ma ka heshay?” iyo “Goormuu imaanayaa?” bay dhawr jeer ku celcelisay. Maadaama uu ogaa in uu kadis ku baxay, iyadana war gelin, waxaa ku soo dhacday in uu gol-dalooladaas ka faa’iidaysto.

“Markii uu baxayey kollayba wuu kula socodsiiyey sow ma aha?” ayuu ogaal-waydiiyey.

“Maya,” Maanaa daacadnimo ugu jawaabtay.

“See ku dhici kartaa?” Kulmiyaa la soo booday.

“Waxaa la dhahayey kadis aas ku baxay,” Maanaa wiilkeedii ku difaacday.

“Ma-kee?” Kulmiyaa ka hor keenay, “Toddobaad ka hor baabu annaga noo sheegay in uu Jilib u bixi doonee.”

“Wallaahi?” Maanoo dabinkii ku dhacday baa la soo boodday.

“Si xun buu yeelay saaxiibkay,” Kulmiyaa sii watay, “Markuu yimaadana waan ku canaanan doonaa arrintaas.”

“Ad Setamaan ka hor aas kuu sheegay miyaa?”

“Haah, waliba intuusan ii sheegin baan maqlaayey habeen isagoo Mulki u sheegaya, markaasaan waydiiyey oo waxaan…”

“Yaah, yaah?” Maanaa markay magaca dhaddig maqashay, intay is celin wayday hadalkii ka dhex gashay, “Mulkina yaa waaye?”

“Gabadha saaxiibtiis ah nooh! Mulki sow ma taqaanid, yartii hadda markaad soo galaysey iridka ka sii baxaysey?”

“Wax irid ka sii baxaaya ma arkin,” Maanaa si xanaaq ah u tiri.

Intuu koomadiinka gacan-togaaleeyey, oo sawir uu maanta galiyey ka soo saaray buu yiri, “Mulki waa is-taqaanniine, waa tan nooh!” Intay sawirkii si qallafsan uga dhifsatay, in yar ka dibna tuurtay, bay wajiga jilbaha gashatay.

Kulmiye hoostuu ka qoslay, isagoo sawirkii dhulka ka haabanaa, halkiisiina ku celinaya.

Saasaa la rabaa! buu uurka ka yiri; afkana su’aal been ah ku kajamay, ee yiri, isagoo iska dhigaaya sidii nin aan qarracanka ay la muusoonayso weli dareemin, “Waa is taqaanniin sow ma aha?”

Markay u jawaabi weyday buu sidii nin markaas in ay ooyayso gartay, intuu ku soo dhawaaday, wajigeeda kor u toosiyey, isagoo leh, “Maxaa dhacay Maana? Waa maxay sidaani? Ashidanti! Khalad weyn baan sameeyey. Looma baahnayn in aan kuu sheego. Kuumana sheegeen haddaan moodayo in aadan la socon. Isagaa i yiri gabdhuhu waa is ogyihiin, raalli bayna isaga yihiin in Mulki gabadhayda kowaad tahay, Maanana tan labaad. Waan ka xumahay sirta iga fakatay, laakiin waxaasi micna ma leh, iska illow abaaye. Waad og tahay dhallinyarada hadda joogta in uusan jirin qof hal saaxiib ku kooban, gabar iyo wiilba. Adiguba kolley ugu yaraan hal ama laba wiil oo kale waad leedahay. Haddii aadan lahaynna waa kuu nacasnimo. Ama carruur baad tahay, oo weli waqtigaadan la socon.”

Kulmiye halkaasuu ka sii amba qaaday hadal dheer oo biyo dhiciisu ahaa in uu si aan af-ku-ballaaris ahayn ugu shukaamiyo in ay isaga xiriir la yeelato; isagoo ka dhaadhicinaya in uu ilaa muddo dheerba jeclaa, saaxiibkiisna ku xaq dhowrayey. “Haddase,” ayuu ku andacooday, “Jacaylkaygii wuxuu soo gaaray heer uusan oggolayn in qofna lagu xaq dhawro. Jacaylku cid walba isagaa ka xaq leh.”

Maana intii horoo dhan hadalkiisa uma dhugmo lahayn. Waxa uu sheegayana, waa maqlaysay uun mooyee badi ma fahmayn. Qarracankii masayrku ku riday bay la qalbi fuqsanayd. Dhulka iyo cirkaa la wareegay. Meel ay joogtana ma garanayn. Gabadhiisa kowaad waa Mulki aa? “Axmed waa dhintay,” mooyee war ay maqashoo uga naxdin badan ma jiri karo.

Markii dambayse ku baraarugtay hadalkii Kulmiye, in uu shukaansanayana dareentay. Laba daraadle waxaa dhiillo galiyey sida uu marba marka ka dambaysa ugu soo dhawaanayo, eegmada lulaysan ee uu isha u dabayo iyo gacan-togaalayska uu durba ku bilaabay.

Sidii qof hurdo ka soo toostay bay madaxa kor u qaadday. Indhaha wajiga ka saartay. Tin iyo cirib u eegtay, sidii iyadoo leh, War horta kumaad tahay? Miyaadan ahayn kii ay wiilkayga saaxiibka ahaayeen? Wuxuu la yeeshay muuqaal ka fool xun sidii uu markii hore ula ekaa. Wuxuu la noqday qof hor leh oo aan ahayn kii ay galabtoo dhan la qoslaysey, ee is lahayd, Dumaashi boqor ah waaye, iyadoo moodaysey in uu dumaashinimo u soo dhawaynayo. Waxyaalihii uu u sheegayoo dhan bay maskaxdeeda dib ugu shaandhaysay.

Intay istaagtay bay tiri, iyadoo sii dhaqaaqaysa, eegmo yasid ahna dib ugu haraatinaysa, “Abboo iga raalli ahaw; gabdhaha aa i moodey camal ma ihi. An naftirkay waa kugu sirmay. Haddiin saan kuu mudaayo, galabta dheerba ma kula soo fariisa leheen. Haddana jaaw!”

Siyaalo kala duwan buu isugu dayey inuu celiyo, ujeeddadiisiina ka gaaro. Hase yeeshee kuma guulaysan. Waxaa sii maja xaabiyey dad guriga hortiisa fadhiyey oo uu ka baqay in ay ceebtiisa ka markhaanti noqdaan.

 

— 3 —

Daqiiqado intii ay ahaayeen uusan garanayn, kollaybase aan toban ka badnayn markii ay ka sii maqnayd, jacdii ay ku reebtay raadkeediina wali wajigiisu la qamiirsan yahay, ayuu iridka shishadiisa ka maqlay saan rag oo xaggiisa u soo tallaabsanaysa. Indhihii uu hore u taagayba waxaa ka hor yimid nin shandad sita oo soo galay.

“Weey Axmed! Soo noqosho wanaagsan!” buu ka hor geeyey. Niyad kama ahayne wuxuu isku dayayey in uu ku raad gato.

Farta iyo meesha bugtaa is oge, Axmed isagoon wali dhar baddalashadii dhammaysan, ayuu hore ka waydiiyey, “Gabadhii war ma ka haysaa?”

Kulmiye waa isku yare naxay. Su’aashaasi waxay la noqotay, “Wixii aad gabadhayda ku samaysay maxaa kugu kallifay?”

“Gabadhaadii baa?” Kulmiyaa ku ararti dheeraystay, isagoo saaxiibkii wajiga ka dadbaya, sidii uu ka cabsanayo in uu niyaddiisa daalacdo.

“Gabadhaadii waan arkay.”

“Haye? Haddaas waajibaadkaagii waad gudataye. Bal iiga warran saaxiibow?” Axmed baa si xiisa leh ula soo hiyi kacay.

“Warramiddaas maad iga daysid!” Kulmiyaa ugu jawaabay.

“Maxaa dhacay?” Axmed baa dareensaday.

“In aad iga daysaan jeclahay, adna kuu rooro,” Kulmiyaa ku andacooday.

Axmed oo wajigiisa astaan dhiillo ku sawirantay, ayaa intuu kursigii soo dhawaystay si adag u yiri, “Waxba ha i meermeerine, ii sheeg sida wax u jiraan!”

“Maya saaxiib, waxba ma jiraan,” buu ugu warceliyey, isagoo dhiillada uu ku tallaalay is moogaysiinaya.

Maadaama uu garanayey warka uu sheegi doono inuu yahay mid Axmed kicin doona, isagana sheegistiisu ku habboonayn, ayuu rabay in uu ka dhigo wax khasab looga keenay. Wuxuu is yiri qoftii aad fara xumaysay, kollayba way kaaga dacwoon doontaaye, intayan ceebtaada sheegin, ceeb u samee, wixii ay kaa sheegtana ha loo qaato dad xinifi dhex martay oo is masabidi kara.

Markii Axmed si kulul ugu adkeeyey in uu warka shaaca ka qaado, ayuu si dabacsan u yiri, “Ma habboona in dadka loo kala war sheekoodo, hase yeeshee saaxiibkay baad tahoo waxba kuuma qarin karee, calaa kulli xaal, qoftii habeen dhawayd baan meel aan wanaagsanayn isku aragnay. Run ahaan la yaab bay igu noqotay gabar yar oo ardayad ah in ay meelahaas oo kale joogto. Ama ay la socoto dad kharriban oo waxyaalo fool xun samaynaya. Labadayada qofba qof buu ku naxay. Aniga way iigu jirtaye, intaan gacanta soo qabtay baan waano ku bilaabay. Cay iyo dagaal bay iigu jawaabtay. Kii watey oo si xun u cabsanaa baa ii soo fara baxsaday. Kala qabtaay, kala marshaay baa ka dhacday, kuwii kalana way iiga hiilliyeen. Saaxiibtiis baad ku diraysey baa la igu eedeeyey. Anna waxaan ku dooday in ay walaashay tahay, xaqna u leeyahay in aan xumaanta ka celiyo.

“Waxyaabihii dhacay ma sii wadwadi karee, qoftii dumaashiday ahayd habeenkaas waan kala dhimanay. Haddee anigu horaan kuu iri naagaha hadda jooga lama aamino. Mid kastoo malaa’ig isaga kaa dhigta, inta ay kaa maqan tahay sun bay kuu walaaqaysaa. Balaayey qasaysaa. Boqol nin bay hoosta ku wadataa!”

Axmed Jaamac af dhalaalaa ka soo haray. Madaxii baa cuslaaday. Dhiiggii baa hal-bowlayaasha ku karkaray. Ninka u warramaya aqoon fiican buu u leeyahay. Waa malaynayaa waxa uu u sheegayo in ayan run wada ahayn. Ama wax run ka ahiba jirin. Laakiin in yar oo run ka ah hadday ku jirto isaga walbahaar ugu filan.

Xataa hadduu boqolkiiba boqol been noqdo, maqalka uu dhegtiisa ku soo dhacay baa Axmed jirro ku ah. Haddaad ninkaan mar hore si buuxda xargaha ugu jari lahayd, dhibaatadani kuuma timaaddeen! buu uurka iska yiri.

Intuu walaaciisii sariirta iskula tuuray buu Kulmiye ka codsaday in uu u firaaqeeyo, si uu u nasto. Hurdo ku soo dhici mayne, markuu cabbaar galgashay buu intuu qubaystay Maana baadi goob ugu dhaqaaqay. Si aan yeelaba waa in aan caawa helaa! isagoo leh ayuu gurigii Sahra isku sii daayey. In uu Sahra u diro mooyee, meel kaloo uu u mari karaa ma jirto. Makhribkii buu Xamar Jabjab isa sii taagay. Mise Sahra gurigii way ka maqan tahay. Xaggee bay aadday baladu? Meel kastoo uu ku malaynayey wuu ka raadshey. Saddex saacadood buu marna gurigeeda ku soo noqonayey marna meeshii kaloo uu ku malayn karo isku sii daynayey. Saacad aan Xamar-Weyne la dhex geli karin, Maana-Faayna la haweysan karin markii la gaaray buu gurigiisii isaga noqday, isagoo Sahra Yuusuf haaraamaya.

Bal eega isla wareegtadaasi sida ay caawa qasacadaha iiga jabisay! Qoftii aan aawadeed u soo ordayey, ee si aan caawa u arko, raggii ila socday u diiday in aan caawa Marka isaga soo nasanno, waa tanoo, waxaan seexanayaa anigoon arag. Seexashana iima dhadhammaysee waa ii habeen madow!

War la’aaneey ba’. Baadiyi nin aan lahayn bay ag joogtaa! Maansha la yiri. Yaa u sheega Maana-Faay in ayan caawa sarihii Xamar Weyne ku oodnayn. Yaa gaarsiiya in ay iska dhex fadhido gurigii Ciise-Dheere, ee uu saacad kasta albaab daaye, dariishaddana ku garaaci karo. Intii uu Sahra baadi goobayey, mar bay ku soo dhacday in uu Leyla u tagee iyada kaalmaysto. Haddana wuu ka xishooday, waqti dambana way ku noqotay.

Habboonaan lahaydaa in uusan fikraddaas ka noqon. Cadow uusan ogayn oo isaga u bir tumanayey ayuu dhufayskiisa ugu geli lahaa. Booraan loo qodayey buu dumin lahaa. Bayddan Shabeel oo gabadhiisa dabin u dhigaysa ayuu guriga ku qaban lahaa. Wuxuu ka naxsan lahaa iyadoo kolay khayaamo la ag fadhida Leyla Xaaji Muumin oo gurigeeda jikadiisa gambar dhigatay. Kolayga waxaa ugu jira dhar beec ah ooy ugu marmarsooto guryaha baadidu ka gasho.

Bayddan waa qof bulshayad ah, hadal badan, qalana aqoon. Siiba qofkii ay dan ka leedahay waxay ula dhaqantaa sidii saaxiib ay is kaftan yaqaanniin, xitaa hadduu yahay qof ay markaas isugu horrayso. Iyada iyo Leyla isuma cusba, aqoon fiicanna isuma leh. Dhawr jeer oo beryahaan dambe ah ayay guriga timid, iyadoo ku marmarsoonaysa ganacsi iyo wax la mid ah. Leyla ugu horrayntii waxay Beyddan u aqoonsatay islaan gaddislay ah oo aad u qalbi furan, soo dhawaynna mudan.

Hase yeeshee dhawaan waxaa ku soo duulay warar madmadow ku jiro oo lagu xamanayo in ay ka mid tahay naagaha guryahoodii u rogay suuq ‘jacaylka’ lagu iibiyo, iyaguna dallaalka iyo canshuuraha ka gurta!

Beydan iyadoon cidna idan waydiisan, nabdaadintii martinnimadana iska hor marin, ayay intay si isku kalsooni ah gambar u soo jiidatay, ee Leyla soo ag dhigatay sheeko saaxiibtinnimo hore uga bilowday. Iyadoo kolaygeedii furfuranaysa, ayay tiri, “Ina Xaaji Muuminey, haddaad ogaan lahayd alaabta aan caawa kuu wado waad muraaqoon lahayd.”

Intay soo hiyi kacday bay tiri, “Haye eeddo, maxaa waaye?”

“Iska fiiri alaabtaan casar-legadka iyo isku soo haadka ah! Waa dhar cusub oo maanta ii soo dagay,” ayay tiri iyada oo u soo taagaysa laba guntiino oo kala nooc ah, uurkana iska leh, Naa waxaan waa la iiga daran yahaye, meeday naagtii Maana-Faay ahayd? Xaggee baad ku qarisay? Waxay filanaysay markay guriga soo gashayba in ay arkayso. Markay arki waydayna iimaan xumo weyn baa gashay. Waxay is tiri, Armayba gurigoodii u noqotay? Haddaysan caawa helinna qorshihii Jimcaha ee ay Jaamac-Dhagay ka ballan qaadday, waa wax kama jiraan, waayo berri waa Arbaca.

Intii ay Leyla dharka fiirfiirinaysay, Baydan waxay maskaxda ku sii aruursanaysey erayo aan laga shakiyi karin oo ay si dadban ugu waydiiso halka ay jirto Maana-Faay.

Hase yeeshee hawshaas waa laga soo furtay. Dhabarkeeda ayay ka maqashay Maana-Faay oo intay gudaha ka soo baxday walaasheed ku leh, “Abaay Leyla, cunuggii waa toosay.”

Abshir! Aleylehe waa tan! Waa haysaaye ha sii dayn! Intay jalleecday bay tiri, “Tanina ma yarteennii Maana-Faay baa? Eeddo. Ii warran. Naa heedhe adiga Leyla ah, gabadhaan il go’day oo besteed ah, maxaad u baanan wayday? Allow anaa magacay ba’ay! Waa carruur carruur la joogta! Naa gabadha waxaad yeelaysaa, bitimiin iyo waxaa jira waxyaalo nafaqo leh. Qaar anaaba haya oo berri u keeni doonee. Gabar nooli meesha iima joogtee; bal day indhaheedii meelay ka soo jeesteen! Kaalay eeddo halka ii soo fariiso!”

Maana-Faay intay soo luudday, bay soo ag fariisatay ‘deeqsiyaddii’ ka talinaysay ‘aayaheeda.’ Leylana intay hadalkeedii u bogtay, bay la sii doocdoocisey. Waayo waxaa kurbo weyn ku haysey qoftaan sii luufluufaysa iyo sida wax looga qaban karo. Intay sacabka garabka ka saartay bay tiri, “Eeddo iska dhaaf fekerka iyo isla hadalka. Ceeb weeye gabar yaroo iyadoo intaas la’eg fekeraysa. Adduunku waa laba beri labadaada beri ha iska khasaarin. Intaad dhallinyar tahay waqtigaaga farxad baa lagu dhammaystaa. Waligaa nin la isma raaciyo, lama aamino. Marka aad adigu israacinaysid, isagu wuu kugu nacayaa. Habeenkii dhawayd oo aad halkaan barooranaysey aad baan kaaga naxay, waxaa suurtowda markaad adigu sidaas yeelaysey in uu isagu naag kale la tumanayey. Adigu wali carruur baad tahay. Ninka tuubbaa la gashadaa, dantaadana laga wataa, laakiin marna la isma siiyo.”

Markay halkaas maraysey bay Maana-Faay ka ag kacday intay u adkaysan wayday erayadeeda. Dadka waxay u neceb tahay qofkii ku waaniya Axmed ha is raacin. Qofkii isaga wax ka sheegana waxaa ku soo dhacda intay ku soo booddo in ay carrabka ka qaniinto. Xataa hadduu yahay qof iyada daacad u ah, waxay u qaadataa in uu xaasidkeeda yahay, ee ka goynaayo gacaliyaheeda. Ama hadal xun bay ugu jawaabtaa, ama way ka ag kacdaa.

Baydan markay aragtay Maana-Faay jacaylkeedu in uu gaarsiisan yahay heer aan wiilkeeda lagu diri karin, ayay jartii degdeg u baddeshay. Intay gacanta soo qabatay bay tiri, “Kaalay eeddo, nimanka aan fiicnayn baan ka hadlayey, laakiinse Axmed waa inan aad u wanaagsan. Bal fiiri sida aad noqotay! Xataa xarragadii waad illowday beryahaan. Bal fiirso dharkaan. Waa ‘moodo’ aan weli ku soo gaarine.” Maana way ka maagtay. Ma xarrago, iyo dhar iibsi baa haya? Leyla oo rabtay in ay fekerka ka fududayso ayaa ku dhiirrigelisay ee tiri, “Fiirso Maana, haddii wax oo ku anfaco ku aragtid, anaa kuu iibihaaya.”

Bayddan intay fursaddaas ka faa’iidaysatay bay tiri, “Maana marada anfacaysa anigaa aqaan, oo hadday aragto ayan ka jeesanayn. Jidkay iiga soo dhammaatay. Waa la iga kala boobay. Waa maro aan qof arkay deyn karin.”

Maana intay hawo gashay bay tiri, “Hadda eber waaye miyaa?”

“Gurigay taal iyadoo dhowr jaad ah. Waxaa fiican in aad adigu ka soo xulatid tii dooqaagu jeclaysto. Lacagtana qiime yar baan idinku siinayaa! Gabadhaydii baad tahay, daawooyin lagu naaxo oo fekerkaan iyo waxaan kaa bi’inayana waan ku soo siin.”

“Minanka intee waaye?”

“Waa meeshaan dhow, isla Boondheerahaan. Buurkaan markaad ka dhaadhacdid, sarta duugga ah ee labada dabaq ah horteedana hadda la dhisaayo, sarta guduudan ee ku xigta waaye; iriddeeduna cagaarka tahay. Caawa meelo kalaan sii marayaa in aan ku daahiyana ma rabo. Habeen dambe hal saac baan ku sugayaa. Adigu marada soo sheel yarayso, kaddibna aniga iyo Leylaa qiimaha iska arki doonna. Waxba isla waayi maynno. Carruurtaydii baad tihiin. Sow sidaas inooma aha Leyla?”

“Waa yahay eeddo, mahadsanid.”

Beydan iyadoo faraxsan bay iridka ka baxday. Way isugu hambalyaynaysey guusha ay ka gaartay tallaabadeedii koowaad ee ay ku bilowday hawshii Jaamac-Dhegay u xilsaaray. Laakiin hawshu aad bay u culus tahay.

Waa nooca ugu adag hawlaha Baydan Shabeel. Gabar yar oo nin aad u jecel sidee loogu gacan gelin karaa nin kale! Inkastoo hawshu qallafsan tahay, haddana Beydan waxaa caawinaya khibradda dheer ee ay u leedahay arrimaha noocaas ah. Way taqaan jidka gaaban ee ‘guusha’ lagu gaari karo iyadoon waqti dhumin. Isku lug-goyn mayso xiriirka jacaylka oo si u dhisan in ay ninkii kale soo dhex geliso. Taas horay bay tijaabooyin badan uga soo martay, una socon wayday. Ugu horraynta waa in la kala gooyaa xarigga jacaylka. Waa in la isku diraa labada is jecel. Laakiin dhankee laga soo galaa?

Dhanka gabadha waa tii hollisay, kuna guuldarraysatay. Waa in ay wiilkii raadisaa. Waa in ay ka gaarsiisaa inta aan isaga iyo gabadhu kulmin, ee sirtu faraha bixin. Waqtigu waa ciriiri. Waa in ay berri subax ku kallahdaa. Odaygii qooqayna waa in ay isla berri-subax lacag badan ka qaaddaa. Inta ay mashruuciisa gacanta ku hayso, waa in ay ka faa’iidaysataa. Go’aankaas ayay Bayddan habeenkii Arbacada ku seexatay.

 

— 4 —

Jaamac Dhegay kursigii Xafiiskiisa ee haybadda lahaa buu dib ugu dhacadiidsaday. Dawan gacantiisa ku dhawaa buu suulka ku cadaadiyey. Dhawaaqiisii baa dibedda ka dananay. Gabar dhaga nugul oo qalin iyo Bolok Noot la ordaysaa u soo gashay. Waa Xog-hayntiisii oo dawanku soo diray. Intuu gees-gees u eegay buu si culus ugu yiri, “Dhageyso, saaka cidina yay ii soo gelin yaah! Shaqooyin baan qabsanayaa, ma garatay?”

“Waa yahay,” bay ugu jawaabtay, iyadoo sii gaddoomaysa.

Xisaabo ka murgay ayuu rabay in uu u helo firaaqo uu uga baaraan dego. Yartii markay laba tallaabo qaadday buu intuu wax gocday ku yiri, “Maqal, ma dad baa hadda i sugaya?”

“Haa, waa la dhooban yahay,” bay ugu jawaabtay intay dib u soo noqotay, sidii iyadoo dadkaas ilaa saaka u safnaa uga naxariis dalbaysa.

“Maxay yihiin waxa dhooban?”

“Waxaa waaye, Agaasimayaashii Waaxyaha qaarkood iyo…”

“Kuwaas shaqooyinkiinna iska wata dheh.”

“Iyo Isuduwayaashii Gobollada ka yimid.”

“Iyagana berri kaalayaa la idin yiri ku dheh.”

“Waxaa kaloo jooga kuwii shaqaalaha ahaa oo beryahaan oo dhan mushaarkooda u dacwoonayey.”

“Kuwaasi maxay aniga iga soo doonayaan, sow taan mar hore iri u taga qolyaha ku shaqada leh? Wax walba ma anigaa la iigu imaanayaa? Xafiiska buuqa ka qaadoo orda shaqaysta dheh, dadkaani iimaankay la’ yihiine.”

Waxay ku sigatay in ay tiraahdo, “Iimaanka ma la’a, xuquuqdoodii bay la’ yihiin. Maxay ku shaqaystaan, sidaad isugu tuurtuurayseen baa carruurtoodii dabkii ka damaye?” Ma iyadaase oran karta?

“Kow, wax dadweyne ahi ma joogaan?”

“Haah, dhawr qof baa joogta.”

“Yaa ka mid ah?”

“Islaan annagoo dhan na soo jiirtay oo lahayd khasab baan ugu galayaa baa ka mid ah.”

“Waa mid see u taal? Magaceeda ma kuu sheegtay?”

“Waa islaan buuran oo maalin dhawaydna kuu imaanaysey. Magaceeda Barni iyo Beydan wax ay ku sheegaysey ma aqaan.”

“Beydan Shabeel miyaa?”

“Haah, haah, saasay dhahaysey.”

“Soo daa, soo daa, iyada hawl baan u dirsanaynaaye. Dadka kalena sidii aan kuu sheegay yeel.”

“Okey!”

Beydan markay soo gashay buu intuu isa soo taagay, bartamaha xafiiska uga hor tagay, isagoo si farxad leh ugu tannaagoonaya, “Ahlan wa-sahlan! Ahlan wa-sahlan! Iska warran Xaajiya?” Salootadii marti-sharafta ayuu ku soo dhaweeyey lana fariistay.

“Saaka sidaan kuu sugaayey malayn kari maysid,” Jaamac baa erayadiisii af-gobaadsiga ahaa sii amba qaaday. “Booqashadaadu waxay ka marag furaysaa in aad tahay qof axdi leh.”

“Maxaa axdi ah, balaayaad qoorta noo gelisaye,” Beydan baa weerarkaas ku goof xaaratay, “Beryahan oo dhan hawl kale ma qabsan. Danahaygii oo dhan baad i seejisay, intaan dhoocishaadii ka daba shaqaynayey.”

“Ugu dambayntii guul baad ii waddaa sow ma aha?” Jaamac baa waydiiyey, uurkana uga raaciyey, Ujeeddadaada kale waan iska fahmayaaye!

“Taasi khasab weeyee,” Beyddan baa ku digatay, “Meel Beydan gashay guusheeda muran kama taagnee. Dhibaato waxay ka timid, naagtu wiil bay caashaqsan tahay. Ciyaalkaan caashaq iyo wax daran lagama waayee. Waxaan ku leeyahay indho iyo dhego kale ma leh, ilaa isaga laga sii jeediyo agteeda qori lagama jabsan karo.”

“Wiilku waa mid sidee ah? Ma kuwa ay ciyaalbiidka isla yihiin baa?” Jaamac oo masayr galay baa waydiiyey.

“Waa waxaas baasoo ay mindhaa meelaha isla yaacaane.”

“Caashaq iyo waxaasi wax jira ma ahee, iska shuqul ciyaal weeyee. Wiil ciyaal-suuq ahoo aan hanti lahayn muxuu u tarayaa! Markii lacag iyo barwaaqo la tuso, iyadaa dan u nacaysee.”

“Wallee kani mid ay nacayso ilama ahayn, khasab in lagu nacsiiyo ma ogiye!”

“Oo sidee haddaas lagu nacsiinayaa?”

“Taas aniga ii daayoo, adiga lacag iyo baabuur baa lagaa rabaa.”

Intuu jeebka gacanta geliyey buu yiri, “Lacag immisaa loo baahan yahay?”

“Keen saddex kun oo waxyaalaha ugu daran lagu difaaco, inta kale anaa ku darayee!”

Gacantii jeebka ku maqnayd buu soo celiyey, isagoo yaab indhaha la taagaya, uurkana ka leh, Dhuunta lagugu dheg! Saddex kun ku te! Ma Warshad bay ii dhisaysaa? Afkana wuxuu si qabow uga yiri, “Saddex kun oo dhan baa?”

“Adigana bakhaylnimadaan kugu nacay,” Beydan baa ku canaanatay. “Saddex kun ma lacag baa? Jaad baan goglayaa. Casuumad baan samaynayaa. Dad baan soo kiraynayaa, rag iyo dumarba leh. Alaab baan soo gadayaa. Haye saddex kun waxba ma tarayso. Ugu yaraan saddex kale waa in aan jeebkayga uga daraa!”

Jaamac Dhagey wuxuu caan ku yahay gacan adayg. Marka qura ee uusan lacagta u nixin waa marka uu barnaamij tumasho qabanqaabadi ku dhex jiro. Si aan barnaamijku uga kala dhantaalmin, wuxuu u huraa wax kasta. Jeebkii uu gacanta u dirayey waxaa ugu jirtey dhawr boqol oo shilin. Lacag kaloo uu leeyahay uma dhaweyn.

Intuu khasnajigii mashruuca u yeertay, ayuu ku yiri, “Kharashkii hab-maamuuska saddex kun oo shilin iiga soo bixi. Wadayaasha baabuurta yaryarna mid iigu yeer!”

Wadihii markuu u soo galay, ayuu ku amray, “Xaajiyaddaan la shaqee ilaa caawa. Bensiin fiicanna qaado!”

“Waa yahay taliye, shaqaalihii aan rawixin jireyna waxaan ka baqayaa in ay i sugaan. Waaxdii aan la shaqaynayey qudhooduna maanta hawlo badan bay sheeganayeen waxay igu…”

“War adigu muran badnidaa! Bad aan laguu dirsan hagaline, soco amarkaan ku siiyey fuli! Cid aan Xaajiyaddaas ahaynoo aad maanta ka amar qaadan kartaa ma jirto. Ciddii kaloo kula hadasha, Maareeyaha u taga dheh. Soco!”

Beydan Shabeel saddexdii kun iyo baabuurkii bay iridka kala baxday, wadihiina ku amartay, “Warshadda Muraayadaha na gee. Dhakhso!”

 

— 5 —

Injineer Axmed Jaamac, sidiisii buu shaqada ugu soo kallahay. Laakiin subaxaas kallahaaddiisii waxba lagama dheefin. In muddo ah Xafiiska waa dhex fadhiyey. Wax la sheegase weli kama qaban. Shaqooyin badan, oo intii uu maqnaa is dul fuulay, ayuu halkii uu ka billaabi lahaa ku wareersaday. Sidiisana wuxuu ahaa maqane-jooge. Muuqaalkiisii waa joogay, maankiisuna Maana-Faay buu ku maqnaa. Meesha uu caawa kula kulmi doonuu ka fekerayey. Sidii ay xalay isu seegeen buu ku walaacayey. Warkii Kulmiye ku afuufay buu ka qabandhacoonayey. Qof saan culus oo ku soo socduu dareemay. Miiskii Xafiiskuu madaxa kor uga qaaday. Mise islaan buuran baa u soo laba lixaadsanaysa. Si indha-adayg ah bay isu soo maqiiqday.

Markay albaabka soo dhaaftayba, hadal dheer bay hore ka bilowday, “Haye ditoore, maxaad sheegtay, waanba ku soo daalay meeshiinna fogaanta badane? Alla muxuu koray, wiilkii haddeer carruurta ahaa!” Intay boorsadii miiska dul dhigatay, kursigii hortiisa yiilna iyadoon cidna idan ka sugin isku barakaadisay, bay warkeedii sii wadatay, iyadoon injineerka siinayn fursad uu jawaab ugu celiyo.

“Aa! Ruux iguma jiro! War heedhe, Axmed. War Maandhow meeshiinnaa maanta arrini iga soo gashaye, warqad baan wataaye, waxaan rabaa in aad igala hadashid ninka meesha haysta. Adigu haddee i garan maysidoo dad ma taqaanide, waana gartaayoo intii aad caqlisatay reer Kismaayaan ahaaye, anigu eeddadaa baan ahay, dadka kaloo dhan baan isnaqaan, adiga qudhaadana arrimahaaga korkaan kala socdaa. Aad baan ugu farxay markaan maqlay in aad dhawaan guursanaysid. Gabadhu waa gabar wanaagsan, intii la doono; waa kuugu hambalyaynayaa.

“Dhallinyaradiinna hadda joogta waad naga fiican tihiin dadkayagii hore. Barigii hore gabdhaha ilbaxa ah ee iska tunta, sida gabadhaada, way guur gafi jireen, haddase idinku waxaas waad ka ilbaxdeennoo, gabdhihiinna raalli baad uga tihiin in ay iska waqti qaataan, sidaasaana fiican.”

Injineer Axmed intii horoo dhan isagoo yaabban buu aamusnaan ku dhagaysanayey islaanta daldalmaysa, hase yeeshee markii ay halkaas maraysey ayey boogtii dillaacday. Meel halis ah bay ka taabatay. Intuu is celin waayey, buu hadalkii khasab uga kala gooyey, ee yiri, “Dhegeyso
                  Uukow Media

Post a Comment

0 Comments