Xikmadduna waxaa weeye hagaajinta amuuraha iyo dhigiddooda halkii loogu tala galay.
Waxaynuna ka garan magacaa ka mid ah magacyada sarreeye Ilaahay in wax kastoo Ilaah abuuray, ama na amray ee sharciguu dhigay ah ay ku saleysan tahay xigmad qoto dheer.
Soonka uu Ilaahay jideeyey, addoommadiisana faray, wuxuu xambaarsan yahay ujeeddooyin waaweyn iyo faa’iidooyin ballaaran.
Waxaa ka mid ah ujeeddooyinka soonka waa cibaado uu addoonkaa Ilaahay ugu dhowaan Rabbigiis, isagoo qofkii uu ka tagayo waxyaabaha uu xiseeyo, jeclaantoodana lagu abuuray ee cunto iyo cabitaan leh, iyo u tagidda ninka haweeneydiisa maalinnimada soonka.
Qofkuna wuxuu arrimahaa u deyn Ilaahay darti, si uu qofku u helo raalinnimada Ilaahaa abuuray, daartiisa darajada sare iyo karaamada leh ee jannada ugu guuleysto.
Qofkuna wuxuu ka qaadan halkaa oo uu ka kororsan darsin iyo cashar ah inuu waxay naftiisa dooni ka hormariyaa wuxuu Ilaahay dooni, aakhirada iyo adduunka ugu howlgeli sida Rabbi raalli gelin, markaa buu wuxuu noloshiisa saldhig kaga dhigi, hannaanka iyo habdhaqankiisa ka qaadan Qur’aanka kariimka iyo Sunnada rasuulka (SCW) barashadoodana ku dadaali iyo ku camalfalkooda.
Waxaa sidoo kale ka mid ah ujeeddooyinka soonka inuu qofka kororsodo iimaan iyo taqwo iyo ka cabsasho Ilaah, iskana ilaaliyo naar xanuun badan, camalkii ka badbaadin lahaana la yimaado, ay gashana dareen ah inuu carada iyo cadaabta Ilaahay iska jiraa, taana wuxuu qofku gaari hadduu u guto waajibaadka soonka si dhan, xilalka islaamino ee bishaa ku hareersanna kaga soo baxo si habboon.
Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:
Macnaha aayaddana waxaa weeye:
“Kuwa Eebbe rumeeyeyow, waxaynu waajib idiinkaga dhignay inaad soontaan sidaynu ugu waajib yeelnayba ummadahii idinka horreeyey, waxaydun mudan inaad Rabbi ka cabsataan.” Suuradda Al-Baqara.
Qofka soomanna waa inuu Ilaah ka baqaa, ee uu la yimaado wuxuu Rabbi faray oo dhan, kana dheeraado wax kasta ee uu Ilaah ka reebay, u diiday, ka har yiri, waana ujeeddada ugu weyn ee soonka laga leeyahay, mana aha ujeeddada iyo danta ka dambeysaa soonka in qofka la caddibo la dhibo, cunitaanka, cabitaanka iyo u tegidda xaaskiisa laga cesho, balse waa tababbar si aad xuduudda Ilaahay u dhowrto.
Wuxuu yiri nebi Maxamed (NNDHA):
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Qofkaan iska deyn oo aan ka tagin hadal iyo camal kastoo xun iyo hareer marka xaqa qowl iyo ficilba, Ilaah kama doonayo inuu iska cuna qabateeyo cunnada iyo cabitaankiisa.”
Waxaa soo wariyey Al-Bukhaari
Qowl suureedka xadiisku tilmaamayo waa qowl iyo hadal kastoo xun ee xaaraan ah, sida beenta, xanta, war xun u kala geynta dadka, af lagaaddada iyo hadal kastoo xaaraan ah, waa inuu qofka sooman ka fogaadaa waxyaabahaa.
Camal suureedka xadiisku tilmaamayana waa fal kastoo xaaraan ah sida duullimaadyada gardarrada ah ee qabiillada iyo dadka dhexdooda ah, khiyaanada, dhagarta, dagaallada aan xaqa aheyn ee aan loola jeedin kor yeelidda kalmadda Ilaahay, boobka iyo dhaca, laaluushka, ganacsiga kiisa xun, kaydinta badeecadda si dadweynaha loogu qaaliyo, xijaab la’aanta oo ah dumarka oo aan ka asturan oogadooda sida timaha, luqunta, wajiga, gacmaha, lugaha iyo dhammaan xubnaha jirkooda ragga gayaankooda ah, guurna uusan ka dhaxeyn, sida uu Ilaahay Qur’aanku ku amray, nebi Maxamedna Muslimiinta ku adkeeyey arrintan oo ay dad badan dhayalsadeen oo ay ku halaagsami haddayan ka soo waaban.
Waxaa kaloo ka mid ah camal suureedka xadiisku sheegayo is dhexgalka ragga iyo dumarka is gaya – nikaaxna uusan ka dhaxeyn – xitaa hadday qaraabo iyo xigto yihiin, iyo haasaawe ama qosol wadaaggood, arrimahaa oo xaaraan ah… sharcigu Islaamku diiday waxaana yaab leh inay dadku ku yaabaan qofka isagoo khamri cabsan la arko, ha yeeshee ayan ku yaabeyn haweeney Muslimad baan ahay leh haddana aan xijaabka Islaamka Ilaah faray qaadaneyn, ragga gaya u soo ban bixi, ama suuqa soo aadi, ama dugsi, iyadoo ay xubno oogadeeda ka mid ah ay qaawan yihiin, sida timaha, luqunta, gacmaha, ama maryo khafiif ahba xiran, ama ciriiri ku ah, ama gaaban, ama surweel iyo shaar xiran, ninkeeduna ama waalidkeed ama cidda kale ee ka mas’uulka ahi ay ku eeganayaan arrintaa xishood iyo xushmad la’aanta ah, caasin Rabbi iyo rasuulki, fitnad lagu duni iyo diin seegi, xaaraan ku cad kitaabka Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisii (SCW) laguna naar tegi.
Waxaa sidoo kale soo geli camal suurka xun ee xaaraanta ah dhageysiga heesaha miyuusigga wata ee zinada iyo isutagga xaaraanta ah ragga iyo dumarka isugu yeeri, ama idaacad ha laga dhagayesto ama cajalade.
Waxaad arki qof Muslim baan ahay leh oo dhageysan ama xaaskiisa gabdhahiisa iyo wiilashiisa u soo iibin cajalado ku heesaya luuqadii sheydaanka, sida ‘Dhabta miyaan ku saaraa’, ‘Yaa gareyska kaa fura kuu salaaxa gaaddada,’ fankaa qurmoonka ah ee lagula dagaalayo diinta iyo asluubta wanaagsan dhageysan.
Heesahana samankan badankood waa labo nooc, kuwo qurmoonkaa dadka ugu yeeraya, foolxumo iyo faaxishad, zino iyo dhilleysi iwm.
Waxaa sidoo kale ka mid ah camal suurka xaaraanta ah gelitaanka aflaanta, riwaayadaha, akhriska buugta jaceyl sheydaanka xambaarsan oo ah dhabbaha loo maro dhilleysiga iyo xishood la’aanta, waana waajib saaraan Muslimiinta inay ooryahooda, ubadkooda iyo ciddii ku hoos noolba ay ka manciyaan, kagana digaan foolxumadooda, kana reebaan aflaanta, riwaayadaha, akhriska buugta jaceyl sheydaanka iwm.
Waxaa sidoo kale qofka sooman laga dooni inuu ka fogaado daawashada taleefishanka, waayo shartiisaa aad uga badan kheyrkiisa, iyo inuu ka dheeraado qofka qamaarka, turubka, iyo inay ragga dumarka isu ekeysiiyaan, ama dumarka ragga isu ekeysiiyaan, sida qof haween ahoo surweel iyo shaar xirata, rasuulkii Ilaahayna (SCW) wuu nacladay dumarkaa ragga dharkooda xidha, Rabbina naxariistiisa ka fogee… waalidkood, walaalahood iyo xigtada kaga aamustayna dumarkaa saraawiisha dembigay la wadaagi.
Camalka iyo qowl jaahileedka xadiiska ku soo arooray ee uu rasuulka Ilaahay (SCW) kaga digayo qofka sooman waa qofkoo ka taga xilkasnimada, hareer mara xaqa qowl ama ficil ahaan, kuna xadgudba macruufka, sida qofka oo gurigiisa la mid dhiga guryaha gaalada, ka dhiga guri aan waji Islaam ah laheyn ee qof waliba iska soo geli idin la’aan, ninka xaaskiisu ay soo dhoweyn, la fariisan, ama la haasaawi, ama ay qosol la wadaagi rag gayaankeeda ah, sida ilma adeerradeed, ilma abtideed, ilma habreeddeed iyo ragga gayoo dhan, arrintaa oo xaaraan ah, ninkii aan ka hortegin uu rasuulkii Ilaahay (SCW) inoo sheegay inuu yahay dayuus aan janno tageyn ama ayan ninka xaaskiisu ama gabdhahiisa ama dumarka kale ee uu mas’uulka ka yahay, ayan xijaabka qaadan arrinta oo xaaraan ah, Rabbi ka hor imaad, fitneyn rag, xumo u yeerasho, xishood iyo xushmad la’aan, laga dooni nin kastoo Muslim ah inuu xal u helo, si uu naar kaga badbaado, Ilaahna raalli kaga noqdo, oo waa inuu faraa inay xijaabka Islaamka qaataan, sharciga Ilaahayna u hoggaansamaan.
Guriga qof Muslim ah leeyahay waa in salaadda lagu wada oogaa tan iyo intuu toddobo jir u yar yahay, aanna laga oggolaan cidna salaad la’aan waxaan aheyn ilmo toddobo jir ka yar, ama qof dumar ahoo caadadii qabta – dhiiggii xeydka – intaa waxaan aheyn waa inay wada tukadaan iyadoo ay ragga masaajidka ku tukan, dumarkana guriga.
Waa inay dumarka gurigaa ku nool ay ka xaroonayaan ragga gayaankooda ah, xitaa hadday qaraabo iyo xigto yihiin, daah gadaashina ay ka salaamaan, hadduu qofka qaraabo dhow yahay, diintana ku toosan, fitnana aan looga baqeyn, haddii kale may.
Ninkana uusan xiriir la wadaageyn, sheeko, fadhi dumarka uu gayo hadday dumar yimaadaan ay dumarka la joogi, ragna ragga, isdhex galna jirin iyo fadhi wadaag, siduu sharciga Ilaahay dhigi.
Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:
Wuxuu yiri nebi Maxamed (NNDHA):
Waana inay dumarka gurigooda ku eg yihiin waxaan dan weyn aheynna ayan kaga baxeyn, kolkay dan u bixina haweentu iyadoo si wacan u xijaaban baxdaa, tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
Iyadoo idin kaga qaadan bixitaankeedaase cidda ka mas’uulka ahi, ninkeeda.
Waalid, walaal – waxay ahaadaanba – hadduu may yiraahdana ka joogeyso..
Waayo rasuulkii Ilaahay wuu nacladay, naxariis Eebbana heli meyso qofka dumarka ahi ee gurigeeda ka baxda idiin la’aanta cidda ka mas’uulka ahi – xitaa hadday deriska aadi – tixraac qowlka rasuulka Ilaahay:
Raggana waxaa laga dooni inayan dumarka ku eegan, kagana aamusin dumarka ku xadgudubka diinka Ilaahay oo ay sharciga Ilaahay la aamusin, si ay noloshooda adduunka iyo aakhiradaba u hagaagto, dumarkana ay sharciga Ilaahay raggooda ugu yeeraan, hadday ragga xumo doon yihiinna ay arrintooda kala tashadaan ehlu diinka daacadda ah… haddayse reer wanaagsan ka dhalatay Ilaahay ka baqa arrintiisa ha u bandhigto.
Waxaa sidoo kale xadgudub ah, khilaafsan diinta Islaamka iyadoo duqeyda, carruurta, iyo dumarka lagula tartamo fuulitaanka gaadiidka, sida basaska oo lagu ciriiriyo, iyagoo xoog lagu maquuninayo, arrintaa oo diinteenna khalad kaga tarjumi iyo dhaqanka suubban, gunnimana ah…
Waana waajib Muslimiinta saaran in gaadiidka dadweynaha ee xaafadaha u kala goosho rag iyo dumar loo kala sooco.
Sidaa awgeed buu hadduu qofka sooman tixgeliyo aayaddaa iyo xadiiskaa aynu soo sheegnay, arrimahaa xaaraanta aynu soo xusnay ka fogaado, wuxuu u noqon soonka macallin xaqa ku barbaariya, qofka adaabtiisa dhisa, saluuggiisa toosiya, bishii Ramadaanna waxay dhammaan qofkii oo is beddelay, is beddel dhan, isbeddel ka muuqan naftiisa, akhlaaqdiisa, saluuggiisa, iyo gurigiisaba, guri kasta kolkuu hagaagana bulshadoo dhan baa haggaagi, ciriiriga iyo abaartana laga bixi Ilaahay idanki.
Waxaa sidoo kale ka mid ah ujeeddooyinka iyo xigmadda soonka ka dambeysa inuu ogaado qofka hantida leh, garowsado galladaha Eebbe, iyo helitaanka cuntada, iyo cabitaanka uu u fududeeyey iyo guursigaba, markaa buu qofka dareemi dhibaatada cunto iyo cabitaan la’aanta iyo dhibaatada xaas la’aanta, markaa buu qofka Ilaah u mahad naqi, wuxuu farayna uusan wax kale ka hormarineyn kana gaabineyn.
Sidoo kale wuxuu qofka dhab u dareemi shacuurta iyo xaaladda walaalahi Muslimiinta ee saboolka ah ee aan heli karin cunto iyo cabitaan iyo inay guursadaan, markaa buu Muslimiinta dhabta ah u asxaan iyo sadaqo fali, arrimahaana ka kaalmeyn…
Waxaa sidoo kale ka mid ah ujeeddooyinka iyo xigmadaha soonka inuu qofku barto sida uu naftiisa u xukumi lahaa u ilaalin lahaa xumaha kaga xakameyn lahaa, si uu qofka ugu hoggaamiyo naftiisa.
Waxa danteeda ah adduun iyo aakhiraba, Ilaahna dooni, qowlka iyo ficilkiisana waafajin kitaabka Ilaahay iyo Sunnada rasuulka (SCW).
Wuxuuna qofka ka xoroobi inuu noqdo qof sida xoolaha oo kale ah aan karin inuu naftiisa ka hayo waxyaabaha xun ay naftu iyo sheydaanka ugu yeerayaan, sida isutagga ragga iyo dumarka xaaraanta ah, cabitaanka khamriga, cabbitaanka sigaarka – sigaarkuna wuxuu soo geli waxyaabaha xun ee waxyeelleyn nafta qofka, dhaqaalahiisa, caafiimaadkiisa, diintiisa, si guudna loogu xaraantimeeyey kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada rasuulka (SCW) iyo wax kasta ay Rabbi iyo rasuulki xaarintimeeyeen, saa dan uma ahee adduun iyo aakhiraba.
Wuxuu sidoo kale qofka ka fogaan, iskana dhowri inuu udhaafaa xudduudda Ilaahay ee uu xadgubo.
Waxaa kaloo uu leeyahay soonku caafimaad, sida ay qireen dhaqaatir Muslim iyo gaalaba leh.
Intaa waa ujeeddooyinka iyo faa’iidooyinka soonka aynu caqligeenna kooban ku garannay iyadoo ay jiri karaan amaba jiraanba ujeeddooyin kale ee intaynu soo xusnay ka weyn, ka muhiimsan ee uu xog-ogaal u yahay Allahaa xakiimka ah, caliimka ah, garashadeenna gaabanna ayan tiigsan karin
Uukow Media Warbaahin wax Dhista.

0 Comments