Sheeko Xikmad Leh

Nin dhalinyaro ah oo meel fagaare ah kaga hadlaayey arrimaha sigaarka, ayaa waxa uu yiri iyada oo ay dadkii wada maqlayaan sidan:

“Sigaarku waxa uu leeyahay faa’iidooyin badan waxaana ka mid ah qofka caba ma gaboobo, gurigiisana tuug ma xado, eyduna uma soo dhawaadaan”

Nin kale oo ag taagnaa ayaa yiri “maxaa yeelay waxa uusan u gaboobeyn qofku dhaqso ayuu u dhimanayaa. Tuugna waxa uusan ugu soo galeynin gurigiisa habeenkii oo dhan buu riiraxyoonayaa oo qufacayaa. Eeyduna waxa ayna ugu soo dhawaaneyn waxa uu cuskadaa ul isaga oo weli da'diisu yartahay.

Dulucda waxa weeyaan sida la ogyahay Sigaarku diinta ma ogola dhaqaale iyo caafimaad ahaan midna uma roona dhibaatooyin aad u halis ah ayuuna leeyahay, waxaa markaa loo Baahan yahay in dadka sigaarka caba ay iska joojiyaan.

Uukow media Warbaahin wax Dhista iyo Wacyi Galineed

Post a Comment

0 Comments